Ujeelanaanta Shacabka Somaliland Hogaamin, Aragtiyo Cusub Iyo Rejada Laga Qabo In Ururadii Siyaasada La Furo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ujeelanaanta Shacabka Somaliland Hogaamin, Aragtiyo Cusub Iyo Rejada Laga Qabo In Ururadii Siyaasada La Furo!
October 28, 2020 - Written by Editor:

Guud Ahaan shacabka Somaliland marka aad eegto una kuur-Gasho wax ay ka mideysan yihiin waxaa kow ka ah rajo beelka Asxaabta siyaasada Somaliland ee maanta iyo in aanay soo wadin yididiilo wanaagsan oo qarankani ku gaadhi karo hiigsigiisa.

Waxa kale oo la isku waafaqsan yahay in axsaabta siyaasadu ay noqdeen meelo ay yeesheen shaqsiyaad halkii ay ka noqon lahaayeen axsaab siyaasadeed oo qaranku leeyahay oo aragtida iyo afkaarta gudahooga lagu soo shiilo , dimuqaradi ah , la yimaada barnaamijyo iyo qorsheyaal casri ah oo umada gaadhsiinaya horumar , isla markaana leh qaab dhismeed qaran oo qurxoon .

Marka aad eegto dadka danaynaya siyaasada 90% ka mid ahi kuma qanacsana nooca hogaamineed ee axsaabta siyaasada Somaliland ,  taasi oo la mid ah habka qaranka loo hagayo si uu u gaadho mustaqbalka horumar iyo meel wanaagsan ,  waxaana la isla qirsan yahay waxa shacbigu qabsaday mooyaane dawladnimadu in ay gaabis tahay.

Waxaa jira dareen mideysan oo la dhowrayo dhowaan in ururadii siyaasada lagu dhawaaqi doono hadii ay doorashada Somaliland ee soo socotaa noqoto mid isku sidkan oo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada mar lawada qabanayo,  taasi oo ay farsamadeeda leeyihiin komishanka doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Hadii ay sidaasi dhici waydo waxa laga rabaa in ay umada Somaliland ku qanciyaan sababta , waayo waxa laga baqayaa in ururadii siyaasada furistoodii meesha ka baxo,  waa xaq siyaasadeed oo dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland Qod 22naad iyo 23naad u damaanad qaaday muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidaasi oo kale waxa  si cad u qeexay Xeer No 14 oo sharaxaya qaabka ururada loo furanayo , mudo xileedka axsaabta iwm.

Arimahani dhamaantood hadii aan maanta la sii lafo gurin waa halka uu Somaliland ka iman doono murug siyaasadeed iyo mid sharci marka la gaadho sanadka 2022 oo ay kaga eeg tahay axsaabta siyaasada Somaliland mudo xileedkoodu,  sidaasi oo kalena ay tahay xiligii la qaban lahaa tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland,  iyada oo uu Xeer No 14 sheegayo in 6 bilood ka hor wakhtiga doorashada lagu dhawaaqo furistii ururada siyaasada , si la isku habeeyo oo loogu diyaar garoobo tartanka.

QALINKII; Muxamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama

Somalilandstar@gmail.com

COMMENTS
LINKS