“Somaliland Geedi Socodka Dimuqraadiyadu In Uu Hore Socdo, Oo La Badbaadiyo Ayaa Leh Mudnaanta Koowaad Ee Qaranka”Cali guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Geedi Socodka Dimuqraadiyadu In Uu Hore Socdo, Oo La Badbaadiyo Ayaa Leh Mudnaanta Koowaad Ee Qaranka”Cali guray.
November 11, 2020 - Written by Editor:

GUULAYSTAYAAL GEEDIGA WADAAY

Doorashada Isa Saaran Ee Somaliland Dad Ayaa Uga Shakisan In Tirada Ugu Badan Ay Heli doonaan maaha xisbi hebel, qolo heblaayo iwm balse musharixiin kala xisbiyo ah oo kala reero ah hadana isku ah koox keliya oo koox diimeed ah. Haba noqoto sida ay dadka qaar saadaalinayaane kol hadii ay ku soo baxayaan doorasho xor iyo xalaal ah wax ceeb ah maaha waayo waxay ka mid yihiin muwaadiniinta xaqa u leh in la doorto iyo in ay wax doortaanba. Hadii ay sidaaba u dhacdo waxay la yimaadaan ee isbedel ah la arki doonee ee yaan laga dayrin kama liidan doonaan kuwan 15ka sanadood fadhiyay wax lagu majiirto oo looga aayayna aanay jirine

Somaliland geedi socodka dimuqraadiyadu in uu hore u maro oo socdo ayaa fiicnayd. Hadii la waayay maanta in loo guntado oo la badbaadiyo ayaa leh mudnaanta koowaad qaran ahaan. Mudnaantuna maaha yaa helaya iyo yaa laga helayaa ee waa guulaystayaal geediga wadaay

Qalinkii; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cal Guray)

COMMENTS
LINKS