Raysal-wasaaraha Somaliya Oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iyo Magaca Masuul Cusub Ee Uu Umagacaabay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Somaliya Oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iyo Magaca Masuul Cusub Ee Uu Umagacaabay!
November 19, 2020 - Written by Editor:

Muqdisho(W.N);-Raysal-wasaaraha Dawladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibedda Amb. Axmed Ciise Cawed.
Raysal-wasaaraha ayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya u Magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal Caawa lagu baahiyey Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble.


Lama oga waxa sababay xil ka qaadista Wasiir Axmed Ciise Cawed, balse xil ka qaadistiisa ayaa ku soo beegantay, ka dib markii uu Wasiir Cawed uu Twitter-kiisa ku beeniyey War Shalay lagu baahiyey Twittwr-ka Wasaaradda arrimaha dibedda Dawladda Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Dawladd Soomaaliya ka walaacsan tahay xaaladda ka taagan dalka Itoobiya isla-markaana taageersan tahay Midnimada Itoobiya – kuna baaqayso in Xaaladda taagan lagu dhameeyo Wada-hadal.
Sidoo kale madaxwayne farmaajo ayaa xil safiirnimo umagacaabay wasiirkii hore ee arimaha dibada Cawad isla xilka ka qaadista raysal wasaaraha wakhti yar kadib
dhanka kale wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa ka hadlay xilka qaadistiisa isagoo ku gacan saydhay xilka safiirnimada ah ee loo magacaabay oo uu sheegay in aanu qabanayay xilkaasi.Wuxuna yidhi; Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” Amb Ahmed Cawad
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS