Madaxa Haayada WHO Oo Iska Fogeeyay Eedaymo Uga Yimid Dawlada Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxa Haayada WHO Oo Iska Fogeeyay Eedaymo Uga Yimid Dawlada Itoobiya.
November 20, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Dr Tedros in uu u shaqeyso sidii Diblomaasi Tigray ah oo kale islamarkaana taageerro militari iyo Mid dhaqaale caalamka uga raadinayo Jabhada gooni u goosadka TPLF.

Hasse ahaatee Tedros ayaa sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, islamarkaana uu taageersan yahay oo kaliya Nabadda iyo la joojiyo qalalaasha ka jira gobolka.

“Warka ku saabsan in aan dhinac taageersannahay ma’aha mid sax ah, Annniga hal dhinac oo kaliya ayaa taageersanahay waana dhinaca Nabada” ayuu yidhi madaxda hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa horaantii bishan weerar ku qaaday saldhigyada xoogagga TPLF ee Ismaamulka Tigrayga waxaana muuqata in dagaalkan oo wali soconaya uu yeeshay saameyn amni iyo mid siyaasadeed intaba.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS