“Dhamayso Wareerka Horaan U dhigtee Oo Ha I dhaafinin Aagga Intaan Ku Dhashee!Cali Guray, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhamayso Wareerka Horaan U dhigtee Oo Ha I dhaafinin Aagga Intaan Ku Dhashee!Cali Guray,
November 20, 2020 - Written by Editor:

KKKKKK Abye Ahmed ku lahaa hawlgalkii milatariga ee Tigray wuxu galay marxaladiisii ugu dambaysay ee dhamaystirka. Hawl yaraa shuqulku! Hadda laga yaabaa in dagaalkii rasmiga ahaa aanu bilawba ahayn.

Marka aad eegto ololaha lagu ugaadhsanayo dadka ka soo jeeda qoomiyadda Tigray ee ka socda Addis Ababa ilaa Muqdisho iyo Asmara waxaba la moodaa hawlgalkan “Ololaha Dabargoynta Qoomiyadda Tigray” oo qayb ka ah isbedelkii hore ay ugu heshiiyeen Raisul Wasaaraha Itoobiya Madaxwaynaha Calatariya iyo Madaxwayne Farmajo in laga hirgeliyo Geeska Afrika.

Dhinaca Somaliland oo hore u dhigtay casharka dabargoyntu uma baahna casharkan in mar kale ay nakhtiimaan waayo waa waayoaragnimo xun oo hore ay u soo mareen. Markaa Somaliland dawlad iyo shacbi saw maaha mawqifkoodu in uu noqdo:Dhamayso Wareerka Horaan U Digtee Oo Ha I Dhaafinin Aagga Intaan Ku Dhashee.

Sida Farmaajo yeelay u malayn maayo in Madaxwaynaha Somaliland uu yeelayo waayo wuu uga waayo aragsan yahay xaaladdan oo kale isaga iyo Abye Ahmed labadaba

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

COMMENTS
LINKS