Dr Adam Yusuf Abokor:Shaqsiyad xor ah Iyo Astaantii Ururadda Bulshadda Rayidka Ah Ee Somaliland! W/Q;Dr Culimo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dr Adam Yusuf Abokor:Shaqsiyad xor ah Iyo Astaantii Ururadda Bulshadda Rayidka Ah Ee Somaliland! W/Q;Dr Culimo.
November 21, 2020 - Written by Editor:

18th-kii Noovembar 2020, waxaa dalka Turkiga ku Geeriyooday Dr Adam Yusuf Abokor oo ahaa aqoonyahan iyo Hogaamiye u dhaqdhaqaaqa horumarinta bulshadda. Dr Adam wuxuu wakhtigiisa inta ugu badan ku bixiyey ka shaqaynta arrimaha bulshadda iyo sidii ay cod u yeelan lahaayeen qaybaha bulshadda kamidka ah ee aan intabadan codkooda la maqlin sida haweenka, dhallinyaradda, naafadda iyo bulshooyinka la haybsooco.

Dr Adam Yusuf waxa uu ka mid ahaa dhallinyaraddii aasaastay ururkii la odhan jiray UFFO oo lagu tilmaamo dhamacdii shiday halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SN  horseedka ka ahayd. UFFO waxa ay waxqbadka muuqda ka sameeyey cusbitaalka Hargeysa oo wakhtigaa uu ka muuqday dayac iyo daryeel la,aan guud. Waxaa xusid mudan in Dr Adam uu ahaa agaasimaha cusbitaalka Hargeisa (Hargisa Group Hospital) kaa soo xudun u ahaa hawlgalkii iyo waxqabadkii dhallinyaraddii UFFO.

Dr Adam iyo kooxdii kale ee UFFO waxaa la xidhay 1982kii, iyada oo qaarkood dil lagu xukumay, qaarkoodna xabsi daain lagu xukumay. Xabsiga waxay kusoo qaateen nolol murugo badan oo cabsi, kalinimo iyo ciqaab wadatay. Dr Adam waxa jeelkii la odhan labaatan jirow laga soo daayey sanadkii1989kii.

Dr Adam Yusuf Abokor waxaan ku bartay ka shaqaynta arrimaha bulshadda. Wuxuu horseed ka ahaa aasaaskii iyo unkiddii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland. Waxaauu kaalinweyn oo muuqata kulahaa dhismihii iyo hanaqaadkii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland  inta ugu magacaweyn. Dr Adam Yusuf Abokor waxa uu hormoodka ahaa shaqsiyaadkii tacabka badan galiyey in ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland ay yeeshaan cod midaysan iyo gaboobyo ay kumidaysan yihiin intiiis ku danahiba sida ururadda dhallinyaradda, haweenka, ururadda xuquuqul insaanka iyo naafadda. Dr Adam wuxuu door aan la ilaawi Karin kulahaa aasaaskii iyo hanaqaadkii gaboodka dhallinyaradda Somaliland ee SONYO. Dr Adam wuxuu ka mid ahaa saaxiibadda dhallinyaradda Somaliland ee farsamo ahaan iyo aragti ahaanba ka qaybqaatay abaabulka iyo jihaynta dhallinyaradda Somaliland.

Dr Adam Yusuf Abokorwaxa uu ahaa samotalis ku xeeldheer isku soo dhawaynta iyo xalinta khilaafaadka. Waxaa aan markhaati ka ahaa marar badan oo uu kaalin xoogleh ka qaatay xallinta khilaafaad siyaasadeed oo soo dhexgalay xukuumadda Somaliland, golayaasha qaranka iyo xisbiyadda. Tusaale ahaan sanadkii 2007-dii oo khilaaf adagi dalka ka taagnaa wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii abaabulka ka galay xalinta arrimihii taagnaa. Waxaan xusuustaa habeen aanu madaxweyne Daahir Rayaale arrimahaa ugu tagnay oo aanu wada soconay AHU Dr Adam Yuusuf Abokor, BoobeYuusuf Ducaale, prof Saleebaan Axmed Guuleed, prof  Maxamed Siciid  Gees, , prof  Xassan  Halas,  Jacfar Gaada-weyne iyo AHU Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Waxaa iyaduna xusid mudan in Dr Adam uu kaalin firfircoon kulahaa hirgalinta nidaamka xisbiyadda badan iyo doorashooyinka ee Somaliland. Waxa uu sitoos ah iyo si dadban-ba ula shaqeeyay gudiyaddii doorashooyika Somaliland ee kala dambeeyay iyo goob joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinka Somaliland indhaha caalamka kusoo jeediyey.

Doorashaddii golaha wakiiladda Somaliland ee sanadkii 2005-kii, waxaan ka mid ahaa dhallinyaraddii la shaqaynaysay goob joogayaashii caalamiga ahaa ee loo diray goboladda bariga Somaliland gaar ahaan Sanaag. Dr Adam wuxuu udub-dhexaad u ahaa qorshaynta, hawl galinta iyo xidhiidhinta shaqooyinka goob joogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba. Dr Adam Yusuf Abokor wuxuu lahaa shaqsiyad wanaagsan iyo astaamo ka marag kacaya dadnimadiisa.Wuxuu ahaa nin degen, afgaaban oo dabeecad wanaagsan, ixtiraam badan, dadka dhagaysta, qaybaha kala duwan ee bulshada ku xidhan, dadka oo dhamina u arkaan inuu daacadka yahay hawlaha horumarinta bulshadda ee uu hayey.

Aniga iyo koox kale oo dhallinyarro ah oo ka mid ahaa SONYO ayaa sanadkii 2006-kii maalin la sheekaystay gudoomiyaha jaamacadda Camuud  prof  Saleebaan Axmed Guuleed. Prof Saleebaan waxaanu kala hadalnay doorashadda gudidda ardayda Jaamacadda Camuud oo wakhtigaa khilaafka taagnaa. Prof  Saleebaan aad ayuu maalintaa noola hadlay, wuxuuna na hoga tusaaleeyey sababaha khilaafaadka bulshadeena ku keena iyo caqabadaha dadkeena haysta. Waxa aaan si wanaagsan u weeleeyeyoo hadalkiisiika mid ahaa, “Dadka Soomaalidda ahintaaanaqaano, ninqabyaalad iyo dano shaqsi ah ka xoroobay waxaan garayaa Dr Adam Yusuf Abokor”. Hadalkaasi saamayn weyn ayuu igu reebay, maalin kasta oo aan Dr Adam siibartana waan sii xaqiiqsanayey inuu yahay sidaauu Prof Saleebaan ku sifeeyay.

Dr Adam waxa uu qarankeena kaga tagay taariikhda habi ah isaga oo wakhtigiisa ugu badan galiyey sidii arrimaha bulshadda horumarsiman oo la taaban karo looga samayn lahaa (social justice). Haddaba, maxaynu ku maamuusnaa oo xusuus uga dhignaa Dr Adam?.

Dr Adam wuxuu wakkhti dheerka mid ahaa gudidda horumarinta cusbitaalka guud ee Hargeisa oo uu ilaa hadda la shaqaynayey. Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa in Dr Adam Yusuf Abokor loogu magic daro cusbitaalka guud ee Hargeisa ama qaybo ka mid ah cusbitaalka.

Ilaahay waxaan uga rajaynayaa inuu  Dr Adam ugu deeqo janatulfardaw salaclaa, inaga iyo qoyskiisa oo dhana samir iyo iimaan inaga siiyo.

Qallinkii: Dr Mohamed Yusuf Aw Ali (Culimo), London, UK.

Email: mculimo2@gmail.com.

 

COMMENTS
LINKS