Amb Maxamed Cabdikariim(Maarshaal) Oo Kamid Noqon Doona Murashaxiinta Utartamaya Xildhibaanimadda Golaha Baarlamaanka Ee Gobolka Maroodi Jeex! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Amb Maxamed Cabdikariim(Maarshaal) Oo Kamid Noqon Doona Murashaxiinta Utartamaya Xildhibaanimadda Golaha Baarlamaanka Ee Gobolka Maroodi Jeex!
November 22, 2020 - Written by Editor:

Amb Maxamed Cabdikarim (Maarshaal) Oo Xafladda Shaacinta  Musharaxnimo Ee Gollaha Barlamaanka Gobolka Maroodi Jeex Lafilayo in Maalinta khamiista 26/11/2020, ka Qabtoonta Magaalada Hargaysa!

HARGAYSA(W,N)-Safiir Kuxigeenkii Hore Ee Safaarada Somaliland ku leedahay Dalka Itoobiya Aqoonyahan Danjire Maxamed Cabdkariim (maarshaal) ayaa kamid nodon doona Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee utartamaya xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland Ee gobolka maroodi jeex oo lagu Wado in ay Qabsoonto badhtamaha sanadka 2021.

Munaasibada Shaacinta musharax Maxamed Cabdikariim ayaa Lafilayaa in ay magaalada hargaysa ka qabsoonto 26/11.2020, Maalinta Khamiista, Galinka hore, taasi oo qaban qaabadeedu Si wayn uga socoto Gudaha caasimada hargaysa Ee Gobolka Maroodi jeex.

Danjire Maxamed cabdikariim oo mudadii uu haya xilka Safiir Kuxigeenka Somaliland ee dalka itoobiya horseeday guulo Diblamaasiyadeed oo ay gaadhay xukuumada Somaliland, sidoo Kalena la arkay kartidiisa, Waxqabadkiisa iyo dhidibo u Adkaynta Safaarada Ethiopia, ayaa xiligan kamid noqonaya Murashixiinta golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex Ee Shacabku sida wayn u soo dhaweeyeen, uguna farxeen, Musharaxan oo taageero balaadhan ka haysta shacabka Somaliland gaar ahaan gobolka maroodi jeex  ee uu ka sharaxan Yahay. isagoo kamid ah  dhalinyarada saamaynta siyaasadeed Ku leh dalka ee shaaciyay hankiisa murashaxnimo ee Doorashada soo socota.

Sikastaba ha ahaate shacabka Somaliland ayaa waxay u Haraadan Yihiin Helida dhalinyaro ubisil siyaasada oo doorkan Kamid noqda mudanayaasha golaha wakiilada jsl si ay uga Turjumaan baahida shacabka ay matalayaan oo mudo dheer Baahi wayn uqabay cid ka midho dhalin karta waxyaabaha ay Tabayaan oo isku soo sharaxay doorashada golaha wakiilada oo Ah Sharci dajinta dalka isamarkaana xukuumada lasoo doorto ku ilaalisa sharciga dalka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS