Taariikh Nololeedkii Guddoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Ururkii SNM AHUN Muj Axmed Jimcaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeedkii Guddoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Ururkii SNM AHUN Muj Axmed Jimcaale.
November 24, 2020 - Written by Editor:

Guddoomiyihii Ugu horeeyey ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee (SNM)  Allaah ha u naxariistee waxa uu ku dhashay  Magaalada Cadan ee ku taala dalka  Yemen, tariikhdu markay ahayd 16- bishii 6-aad ee sannadkii  1930-kii.

Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose / dhexe ee la odhan jiray Ba Zar’a,  ee ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, halka waxbarashadiisii dugsigiisiii  sarena uu ku soo qaatay dugsigii la odhan jiray St. Joseph ee ku yaalay Crater, Aden, ka dibna, markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu soo qaatay laba sannadood oo ah culuunta habka maareynta iyo ganacsiga.

Axmed (AHUN) waxa uu ka hawl-galay shirkaddii Ingiriis ahayd ee ka shaqeyn jirtay Dekada Cadan, waxaana loo magacaabay in uu ahaado maareeyaha Shirkaddaas, markii uu ka tagay shaqadaas waxa uu noqday bare wax ka dhiga dugsi ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka Yemen.

Axmed waxa uu go’aansaday in uu u wareego magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland sannadku markuu ahaa 1956-kii, isla wakhtigaas waxa uu ku biiray dhinaca urur siyaasaddeedki la odhanjiray National United Front (NUF), oo ka mid ahaa xisbiyaddii  siyaasadeed ee u halgamayay xorriyadda madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland ee maxmiyada u hayd dalka Ingiriiska, waxaanu noqday Xoghayaha Guud ee golaha dhexe ee ururka  National United Front (NUF), ururkas oo qabay aragtida ah in la tixgaliyo in Somailand xubin ka ahaao midowgii koonfurta Somaliya.

Ururkaas oo markii danbena la midoobay ururkii Somali National League (SNL),  isla markaana xornimada ay  u sameystaan xisbi isbahaysi oo la yiraahdo,  Somali National Congress (SNC),

1958-kii waxa uu noqday tifatiraha wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee afka-Carabiga lagu daabici jiray ee la odhan jiray Al-Liwa,  muddo ka dib, waxa loo diray Axmed iyo Amed yuusuf Ducaale (Boobe) tababar ku saabsan dhinaca saxaafadda ah oo lagu qabanaayey dalka Qaahira, markii uu ka soo noqday qaahira waxa loo magacaabay tifatiraha guud ee Wargeyska alliwa, wakhigaas ka dib, waxa uu aassaassay shirkad ganacsi oo fadhigeedu ahaa Caasimadda  Hargeysa ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo ka dib waxa uu shaqo ka hellay shirkaddii soo saari jirtay saliida ee la odhan jiiray  Arabian American Oil Company (ARAMCO)  oo ku taalay Dahraan ee dalka Sacuudi Arabiya, Dhowr bilood markay ka soo wareegtay waxa loo magacaabay Madaxa Turjubaanka waaxda sharciyada.

Sannadku markuu ahaa 1969-kii waxaa loo doortay duqa magaalada Hargeysa oo ahayd caasimada labaad ee midowgii Somaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu dhacay afgambigii taliskii siyaad barre waxa loo magacaabay danjiraha wadamada carbeed, dhowr sannadood ka dib waxa loo magaaabay in uu noqdo Agaasimaha Qorsheynta iyo Cilmi baarista ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Axmed waxaa lagu xukumay saddex sannadood iyo lix bilood, isla markaana lala wareeho dhamaan hantidiisa, kaasoo lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa eedaymo ka soo horjeeday gollihii sarre ee kacaanka sannadku markuu ahaa 1972-ii illaa iyo 24 bishii 11-naad ee sannadkii 1974-kii.

Markii uu ka soo baxay xabsiga waxa uu u fakaday dalka Jabuuti 18-kii bihii 2-aad ee sannadkii 1975-kii, waxaanu u siii dhaafay dalka Sacuudi Arabiya oo uu ku joogay Magan galyo siyaasaddeed, ka dib, 6-dii bishii 4-aad ee sannadkii 1981-kii markii la aassaassay Ururkii (SNM) waxa loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee (SNM), sannadku markuu ahaa Bishii 10-naad ee Sannadkii 1981-kii-ill iyo Bishii 2-aad ee Sannadkii 1982-kii, wakhtigaas oo muddo xilkeedka guddoomiyuhu uu ahaa hal-sanno.

Axmed (AHUN) waxa uu geeriyooday 31-kii bishii 12-ad sannadkii 1991-kii,  waanu guursaday laba haween ah, waxaanu ka tagay wiil iyo laba-hablood.

Qoraa: Maxamed  Faarax Qoti

COMMENTS
LINKS