“Riyadii Abiy Ahmed Iyo Rejadii Geeska Africa Rumeynteedu, Ma Xoog Iyo Dhiig Daata Yay Ku Dambaysay?Siyaasi Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Riyadii Abiy Ahmed Iyo Rejadii Geeska Africa Rumeynteedu, Ma Xoog Iyo Dhiig Daata Yay Ku Dambaysay?Siyaasi Dhimbiil.
November 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Hogaamiyaha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ayaa markii uu talada dalka Ethiopia la wareegay sanadkii 2018 Kii bishii April labadeedii ayaa waxa uu la yimid aragti loo wada Riyaaqay oo ahayd in Geeska Africa wax wada qabsado, Qoqobka iyo qaybsanaanta laga baxo isla markaana la iloobo Colaadihii iyo waxii taariikh ah ee dhex taalay dadka kuwada Nool gobolkani iyo dawladaha Gobolka Geeska Africa.

Haddana waxa uu qaaday talaabo labaad oo aad aduunka oo Dhami ugu bogaadiyey oo ahaa heshiiskii dawlada Erateria uu la Galay iyo colaadihii dhulka ee uu soo af jaray oo ahayd talaabo Kale oo gudaha Ethiopia na saameyn wanaagsan oo Siyaasadeed ku lahayd xaga aduunkana ahayd lama filaan iyo Wax weyn.

Waxa kale oo uu sameeyey talaabo kale oo sadexaad oo ahayd In uu dhamaan maxaabiistii siyaasada u xidhnayd ooda ka Qaado oo uu sii daayo isla markaana uu la heshiiyo mucaaridkii Dawladii EPRDF oo dhan waxa ay noqotay talaabo kale oo Iyaduna mucjiso ah oo Ethiopia waliba aan hore uga suurto gali Jirin.

Talaabada afraad ee uu qaaday ee aan Ethiopia laga fileyn ayaa Noqotay in uu Dr Abiy Ahmed la yimid in dalka Ethiopia uu Noqdo mid dimuqaradi ah , furfuran ganacsigiisu yahay mid Furfuran isla markaana uu saamiyo ka bixiyo waxyaabaha ay Dawladu gacanta ku hayso oo dhan , dalka Ethiopia na la Fududeeyo dhamaan shuruucda ganacsi iyo siyaasadeed.

Talaabadii Shanaad ee uu u qaaday Dr Abiy Ahmed Ali xaga Horumarka iyo dimuqaradiyada ayaa noqotay in uu haweenka Qayb weyn ka siiyey dawlada Ethiopia markii ugu horeysay Taariikhda, waxaana ay noqotay talaabo kale oo dunida Dimuqaradiga ahi soo dhawaysay.

INTAASI KA DIB MAXAA DHACAY , HALKEE SE AY WAX KA XUMAADEEN , MAXAA KEENAY DAGAALADA IYO KACDOONADA ETHIOPIA KU SOO NOQ-NOQDA ?

Dr Abiy Ahmed markii uu talada dalka la wareegay waxa uu si Tartiib tartiib ah uga wareejiyey maamulkii hore ee Ethiopia ka Talin jirey ee ka soo jeeday TPLF taladii dalka , waxa kale oo uu Qaar ka mid ah lagu eedeeyey dambiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha in ay galeen mudadii maamulka EPRDF , waxaa Dhinaciisa isku xeeray Dr Abiy Ahmed dadkii dhibta ka Tirsanayey maamulkaasi oo dhan oo raba in ay si siyaasiya u aar Goostaan.

Dadka ka soo jeeda Gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray waxa ay u arkeen in iyaga oo si isir ah loo bar tilmaameedsanayo loona tirtirayo wax walba oo ay wadeen ka dib markii la bixiyey dhulka Badhame oo ay dad ahaan iyagu degan yihiin una arkayeen in ay Ethiopia xaq u lahayd.

Tigray waxa ay go’aansadeen in ay si siyaasiya isku abaabulaan maadaama la wado in xididada loo siibo maamulkii TPLF iyo qoomiyada Tigray wax walba oo ay aaminsanaayeen,  dabadeedna markii la iclaamiyey doorashada ayaa ay ka fekereen in ay dib isku soo abaabulaan oo ay talada dalka Ethiopia Qabsadaan ama ay timaado cid aan ayaga bartilmaameed ka dhiganin,  maadaama Dr Abiy Ahmed na uu yahay ku meelgaadh ilaa doorasho la qabanayo.

Halkani waa halka la iska seegay, oo mucaaridka dawlada Ethiopia oo dhami waxa ay u arkeen in uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalka afduubayo isla markaana uu rabo in uu kursiga iska sii haysto , maadaama oo uu waliba xisbi cusub sameystay, arinkaasi dambe waxa ka mideysnaa qoomiyadaha Ethiopia siyaasiyiintooda iyo axsaabtooda doorashada raba oo dhan, waana sababtii dhalisay kacdoonadii qoomiyada Oromada ee soo noqnoqon jiray.

Doorashadii dalka Ethiopia ee mudeysnayd bishii Aug 2020 ayaa waxa ay ku soo beegantay in xiligii uu jiray xanuunka #Coronavirus oo aduunka saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan , taasi oo cimri dherer iyo mudo kordhin u noqotay Dr Abiy Ahmed Ali oo baarlamaanka Ethiopia doorashadii dib u dhigay.

Maamulkii Gobolka Tigray oo gabi ahaanba masuuliyiintii sarsare isaga tageen xukuumada iyo dawlada dhexe ee federalka Ethiopia ayaa isku urursaday Gobolka ay ka soo jeedaan ee Tigray halkaasi oo ay go’aan ku qaateen in doorashadu dhacayso, waxaana ay qabsadeen doorashadii maamulka Gobolka Tigray iyo baarlamaanka gobolkooda.

Halkaasi marks uu xaal marayo ayaa ay dawlada Ethiopia soo saartay go’aano ay ku joojisay wada shaqeyntii maamulka Gobolka Tigray laakiin ay sii wadi doonto la shaqeynta dadka Tigray iyo waxyaabaha khuseeya arimaha bulshada.

Dalka Ethiopia waxa hadana laga badelay lacagtii, iyada oo talaabadani u eeg mid siyaasadeed oo la rabay in lagu curyaamiyo Tigray ga oo loo arkayey 27 sanadood ee ay Ethiopia maamulkeeda hayeen in ay dhaqaale badan heleen, bangiyo sameysteen oo ay hanti badan oo ku qoran dad la bartilmaameedsanayo loola yimaado dawlada si halkaasi fursado kale oo ay dadka Tigray ugu baahdaan maamulka Ethiopia kuna hoos yimaadaan u noqoto , laakiin way diideen lacagtii cusbayd iyaguna .

Waa isa seeg kale , waxaana ay bilaabeen in ay maamulka Tigray sharciga iyo dastuurka dawlada federalka ah dib ugu noqdaan si ay u helaan qiil sharci oo hadii Ethiopia noqotay mid la isku muquuninayo oo waliba iyaguna yihiin cida la beegsanayo ay gooni isugu taagi karaan.

HALKEE UU KA BILAABMAY DAGAALKA LAGU QAADAY TPLF MAXAASE SABABAY ?

Dalka Ethiopia qoomiyadaha ku nool qaar badani kumay qanacsanayn nidaamkii  maamulka Federalka ee TPLF gadhwadeenka ka ahaa ee EPRDF waxaana ay u arkayeen in Ethiopia la wiiqayo maamulkeeda isla markaana la rabo in la kala jarjaro, waxa ugu waynayd qoomiyada Amhara oo ah kuwa ugu guunsan uguna faca weyn xaga fac tirsiga talada dalka Ethiopia isla markaana ay ka soo jeedeen maamulkii talada lagala wareegay ee Mingiste iyo boqoradii ka horeeyayba.

Ahmara oo ay isku deegaan xigaan Tigray isla markaana ay ka dhexeeyaan colaado siyaasadeed, qaar dhul iyo maamul ayaa waxa ay fursad u raadinayeen in ay TPLF mar uun ka takhalusaan, iyaga laftoodu waxa ay ka mid yihiin kuwa isku wada talada dalka Ethiopia in ay soo ceshadaan .

Abiy Ahmed waxa uu qaatay iyo dawlada Ethiopia in lala dagaalamo Tigray maamulkooda TPLF taasi oo ay keentay dagaal uu maamulka Tigray ku weeraray kuna qabsaday saldhig milateri oo ciidamada federalka Ethiopia ku lahaayeen waqooyiga dalka .

Waxaana bilaabmay dagaalka socday mudada ku dhow halka bil ee lagu hoobtay dawlad,  shacbi iyo maamulkii TPLF ba , waxaana ku baro kacay dad ku dhow milyan qof iyaga oo ay xuduudka Sudan u gud been qaxooti 40 kun ku dhow , waxaa sidoo kale ku naf waayey maati, shacbi,  iyo dad aan waxba galabsan oo dagaaladaasi waxyeelo coogan u geysteen.

Waxaa walaac xoogan ka muujiyey dagaalka dawlada Ethiopia iyo Tigray dhamaan aduunka , ururada caalamiga ah , Ururka midowga Africa , hayadaha gargaarka caalamiga ah,  Ururada xuquuqda aadamaha , marka laga reebo dawladaha jaararka Ethiopia ee Erateria , Djibouti,  Somalia oo dhamaantood taageersanaa dawlada Ethiopia taasi oo ah wax lala yaabo.

Waxaa la isweydiinayaa hadda riyadii Abiy Ahmed ee Gobolka Geeska Africa , rejadii wanaagsanayd ee la filayey, rumeyntoodu ma waxa uu noqonayaa mid sidaa Xoog loogu hirgaliyo oo la muquunin doono cidwaliba oo ka hor timaada?

FAALADII SIYAASI; Mohamed Abdi Jama ( Dhimbiil )

COMMENTS
LINKS