Garsoorayaasha Gobolka Sool Oo Cabsi Amni Darteed U Joojiyay Shaqadii! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garsoorayaasha Gobolka Sool Oo Cabsi Amni Darteed U Joojiyay Shaqadii!
November 30, 2020 - Written by Editor:

Laascaanood(W,N)-Mas’uuliyiinta garsoorka Somaliland ee gobolka Sool ayaa shaqooyinkoodii hakad u galiyay sababo amni darteed, kadib dilalkii is xigxigay ee loo geystay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool iyo garsoore kale.

Sida aan wararka ku helayno maxkamadda gobolka Sool ayaa joojisay shaqo maalmeedkeedii kadib markii saraakiishii ka howl-galaysay ay sababo amni darteed u wadi waayeen shaqadii loo igmaday.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii maxkamadaha ayaa wararku sheegayaan in ay Hargeysa u soo boqooleen, kadib markii ay cabsi ka muujiyeen beegsiga lagu hayo saraakiisha ka shaqeysa laamaha garsoorka.

Lama garanayo sababta loo beegsanayo laamaha garsoorka, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilalkii dhacay.

Bishii march ee sannadkan, ayay ahayd markii qarax miino oo loogu dhajiyay gaadhigiisa lagu dilay guddoomihii maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud Cumar.

Ku dhawaad labo toddobaad ka hor waxaa magaalada Laascaanood lagu dilay garsoore maxkamadeed oo lagu magacaabi jiray, Cabdulaahi Salaad, kaasoo la khaarajiyay isagoo hoygiisa sii galayay.

COMMENTS
LINKS