Halkan ka Akhri; KhudbadUu Maanta Jeediyay Raysal-wasaaraha Itoobiya Iyo Arimo Xasaasiya Oo Uu Kaga Hadlay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan ka Akhri; KhudbadUu Maanta Jeediyay Raysal-wasaaraha Itoobiya Iyo Arimo Xasaasiya Oo Uu Kaga Hadlay.
November 30, 2020 - Written by Editor:

ADIS(W,N)-Raysalwasaaraha itoobiya ayaa manta khudbad dheer ujeediyay golaha baarlamaanka uu ugua xog waramay xaalada dalka iyo waxyaabihii uu la kulmay markii uu xilkal a wareegay

Hada khudbadaasi Oo uu soo turjumay. Cabdisalaam Sheekh Xasan oo ka tirsan  Midnimo web TV Qaybtii Koowaad Halkan ka akhri;

“Markaan xilka raysal wasaare qabtay waxaan noqday maxbuus qol ugu jira laamaha Sirdoonka dalka .

Madaxtooyada dalka dhawr kii bilood ee uboraysay ee aan deegenaa xaalada aan ku sugnaa lama qiyaasi karo ,

Waxaan ahaa qof Amnigiisu sugnayn oo dhimasho diyaar ah .

Tusaale waxaa la diiday dhawr qof oo ila socotay oo ilaaladayda gaarka ahayd in ay xafiiskayga ama qolka aan deganahay Amnigiisa sugaan,

Waxaa madaxtooyada gacanta ku hayay laamaha Amniga oo ah kuwa isku wada xidhan aniguna qof cusub oo meesha soo galay oo kale ayaan noqday.

Waxaan ka fikiray haday wax dhacaan meeshaan ka baxsan lahaa , sidaa awgeed maalin ayaan dhahay gibiga madaxtooyada aan soo dhex wareego oo aan soo wada arko , waxay idhaheen Maya waa halis ciidanka madaxtooyada ilaaliya in ay qaar ku khaatijiyaan ayaa dhici karta ,

Sirdoonka ninkii haystay wuxuu isawirayay in aan marwalba halis ku jiro meesha kaliya ee aan  ku badnaadi karana tahay in aan qolka iyo xafiiska udheexeeyo.”

Mudo ayaan maxbuus noocaa ah ahaa ,

Xataa xafiiska shaqada aan qabanayo maadaamay shaqaaluhu wada ahaayeen kuwa ay sirdoonku keensadeen wax sir ah ma jirin go,aanka aan qadanayo wuxuu ahaa wax suuqa yaala maadamay kooxihii TPLF gacanta ku hayeen sirdoonka madaxtooyada maamulayay .

Xataa ubadkaygii ayaa ucabsaday oo aan qurbihii ku Celiyay markaan dareemay in uusan Amnigoodu sugnayn, anigu habeen walba dhimasho waan ku tala gali jiray.

Kadib raysal wasaare ku xigeenka ayaan tashanay waxaan isla qaadanY in aan xaaladan lagusii jirin karin oo isku shaandhayn loo baahanyahay dhanka laamaha Amniga si isbadal dalka looga hirgaliyo.

Sirdoonku markay maqleen in aan isbadal samaynayno, waxay madaxdii sirdoonku boobeen hantidii dalka waayo ayaga kaliya ayaa ogaa gudaha dalka iyo qalab ka yaalay xafiiska sirdoonka,

Wax walba way rarteen inta aan ognahay waxaa ka badan inta aanan ogayn.

Kadib waxaan usoo jeesanay dhanka ciidanka qaranka oo qaybihiisa kala duwan 80% tigreegu gacanta ku hayeen

Janaraalo, janaraal kuxigeeno ,koroneel, koroneel ku xigeeno,shiihale

Daraja kaste waxaa ku qornaa qof tigree ah ‘

Dhibka ugu weyni wuxuu ahaa sidii waxaaasoo dhan loo badali lahaa .

Safarkaygii iigu horeeyey waxaan go,aansaday in aan deegaanka soomaalida tago

Lkn sirdoonku waxay idhaheen Waa lagu dili oo Alshabaab ayaa joogta ee ha tagin,

Waxaan dhahay kuwa idalaya cadayn ma haysaan in ay halkaa joogaan,

Haday jawaabtu Haa tahay Dee waa shaqadiiniiye soo qabta kuwaas , hadiise aad cadayn hayn

Shaqadayda ha iga horjoogsanina,

Kadib sidii ayaa jigjiga ku tagay .

Sababta aan utagay waxay ahayd waxaan ogaa in la rabay in somalidu goostaan kadibna tigreegu goosto abaabulka koobaadna soomaalida laga dhigay kadibna dalkuba kala yaaco,

Si aan ufashilino Ayaan jigjiga utagay shacabkana ulasoo kulmay.

Kadib markaan isbadalka iyo isku shaandhaynta bilawnay waxay iskugu tageen Maqale halkaas ayayna qorshe qas iyo rabshad joogta ah ka wadeeen ,

Waxay sameeyeen 113 dhibaato intaan xilka hayay

Mar ay meel qarxiyaan, mar deegaanada shacbka isku diraan, mar qowmiyada afka isku galiyaan ,

Ayagoo lacag iyo kooxo udaacad ah adeegsana.

Bal ufiirso deegaanka axmaaradu wuxuu xad laleeyHay

Oromada, waad aragteen orormada iyo axmaarada meelaha xadka ah waa la isku diray

Dhanka axmaarada iyo banishaangul waa la isku dhuftay, dhanka axmaarada iyo canfarta waa la isku dhuftay canfartu waa la mid orormadu waa la mid, deegaan walba deegaanka uu xuduuda lalahaa waalagu dhuftay.

Deegaan walba qowmiyada wada degen waa la isku diray

Lkn deegaanka tigreega cidna iskuma dhicin, meelaha xuduuda, gudihiisana qowmiyadaha degen isma layn

Sababtuna waxa weeye kuwa wax isku dirayaba maadaamay ayaga ahaayeen deegaankoodu nabad buu ahaa .

Indha adaygooda waxayba dhihi jireen anaga uunbaa nabad ah deegaanada kale way gubanayaan!!!

Oo yaa dabka ka dhex shiday deegaanada kale oo aan ayaga ahayn ?”

Waxaa xigtay qarixii Addis Ababa iyo dilkii haajaalu

Oo ay aad uqorsheeyeen .

Tusaale gaaban deegaanka canfarta iyo soomaalidu way islaayeen dagaal soo noqnoqday

Kadib madaxweynaha canfarta ayaa fikir yaab leh soo bandhigay…..”

Waan sii wadaynaa hadalka Abiye uu dhahay oo fadeexad ku ah maamulka deegaankeena isla markaana fashilinaya wixii ay qariyeen

Lkn qormadu way ila dheeraatay ee qaybta labaad mar dhow isha ku hay

Cabdisalaam sheekh Xassn

Midnimo Web TV

COMMENTS
LINKS