Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Soo Kormeeray Goobaha Ay Diwaan Galintu Ka Socoto Ee Gabiley Iyo Arabsiyo + Fariinta Uu Udiray Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Soo Kormeeray Goobaha Ay Diwaan Galintu Ka Socoto Ee Gabiley Iyo Arabsiyo + Fariinta Uu Udiray Shacabka.
November 30, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo kormeeray goobaha diwaangalinta cod-bixiyayaasha Ka socoto ee Gabiley Iyo Arabsiyo.

Waxaa Gudoomiyaha wehelinayay madaxda xisbiga UCID Ee Gobolka Gabiley Iyo Murashaxiin ka sharraxan Xisbiga UCID.

Gudoomiye Faysal ayaa bulshada ku dhaqan Deegannadaas ku dardaary qaadashada kaadh-ka Cod-bixinta.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa kulamo la qaadanayay, Madax Dhaqameedka iyo qeybaha Bulshada, waxaanu dhamaantood ku wacyigalinayay faa’idada Diinwangalintu u  leedahay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS