DAAWO;-Safiir Kuxigeenka Dalka Norway Uqaabilsan Somaliya Iyo Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Safiir Kuxigeenka Dalka Norway Uqaabilsan Somaliya Iyo Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Gabiley.
November 30, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley ayaa soo Dhaweeyay wafti balaadhan oo u hogaaminyao safiir kuxigeenka dalka norway uqaabilsan somaliya  iyo somaliland oo ay weheliya wakiilka gaar ah ee dalka Norway uqaabilsan somaliya iyo madax ka socotay haayada Undp.

Sidoo kale safiir kuxigeenka iyo waftiga uu hogaaminayay oo ay horkacayaan maayarka magaalada gabiley iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer indho indhay ah kusoo maray mashaariic kala duwan oo dawlada hoose ka hirgalisay magaalada gabiley,sida libareeriga,saylada cusub ee xoolaha,xarunta ciidanka dab damiska iyo goobo kale.

Maayarka magaalada gabiley oo ugu horay ka warbixiyay ujeedada waftigan ayaa sheegay in ay usocdaa sidii ay xogogaal ugu noqon lahaa mashruuca gplg oo dawlada norway ay dhaqaale buuran ka gaysato.

Sidoo kale safiir kuxigeenka dalka norwayn ee waftigan horkacayay ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkiisa iyo goobaha ay soo kormeereen isagoo aamulka gabiley ku amaanay sida fiican ay uhirgaliyeen mashaariicdan .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS