Siyaasi Xamse Khayre Oo Ka Hadlay Qaarkamid Ah Goobihii Diwaan Galinta Degmada Wajaale Oo Cilad Farsamo Uxidhan Maalintii Labaad Iyo Fariinta Uu Udiray Komishanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xamse Khayre Oo Ka Hadlay Qaarkamid Ah Goobihii Diwaan Galinta Degmada Wajaale Oo Cilad Farsamo Uxidhan Maalintii Labaad Iyo Fariinta Uu Udiray Komishanka.
November 30, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo kamid ah Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee wadani ayaa ka hadlay sedex goobood oo kamid xarumihi diwaan galinta magaalada wajaale oo cilado farsamo darteed uxidhan maalintii labaad.

Sidoo kale siyaasi xamse ayaa komishan doorashooyinka ugu baaqay in wax laga qabto islamarkaana dadkii wakhtigu uga dhacay ciladaha goobihii ay iska diwaan galin lahaayeen ee gudaha wajaale in loo sameeyo wakhti dheeraad ah oo ay isku diwaan galiyaan. Dibna u eegaan mudada afarta cisho ah ee ay uqabteen oo aan ku filayn.

 HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS