Dagaalka Waxa La yidhaa “Difaac Aan Ujeedo Lahayn Waa Micno La’aan”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalka Waxa La yidhaa “Difaac Aan Ujeedo Lahayn Waa Micno La’aan”Siyaasi Cali Guray.
November 30, 2020 - Written by Editor:

Marka laga reebo Maqalle magaalooyinka kale ee ciidanka dawladdu ay difaacyada ka galeen waxay ku dhaw yihiin xadka Calatariya. Dabcan sababta ay xadka waqooyiga dabada u geliyeen waa dhibaatada ka haysata marinada taakulaynta iyo iyo xoojimaha oo aan uga iman karin dhinaca Itoobiya (xadka Amhaarada iyo Tigray) oo u xidhan TPLF. Magaalooyinka muhiimka ah ee Waqooyiga waxa ka mid ah Atigret oo bariga ugu xiga Adwa iyo Axum oo dhexda ah iyo Shire oo galbeed ugu xiga. Magaalooyinkaasi waxay xadka Calatariya Koonfur ka xigaan inta u dhexaysa 50Km ilaa 70Km waana dhulka ugu muhiimsan ciidamada difaacyada kaga jira magaalooyinkaasi.

Ciidanka dawladdu intaa ayay gobolka Tegray kaga jiraan weliba iyaga oo difaac ah. Difaac aan ujeedo lahayn waxa la yidhi waa micno la’aan (defense without aim is meaning less). Waayo laguma kasbi karo gacanta sare difaac meel la iska yuururo ee waxa lagu kasbaa waa weerar. Dhinaca isagu weerarka ah ayaa mar kasta isagu leh gacanta sare waayo isaga ayaa yeedhinaya goorta la dagaalamayo iyo halka lagu dagaalamayo dabcan waxanu dooranayaa goorta iyo halka u fiican dhiniciisa. Dhulka aan ahayn magaalooyinkaasi dhulka Tigray intii kale waa laga leeyahay ciidanka magaalooyinka difaaca kaga jira oo ka noqonaya inta ay joogaan jeebab (pockets.

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf “cali Guray”

COMMENTS
LINKS