WAJAALE NEWS

DAAWO;-Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore Iyo Nuxurka Khudbad Uu Ka Jeediyay Xuskii Siyaarada Sheekh Cabdiqaadir Jiinaali.

Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore Oo Eedo Culus Ujeediyay Qaybo kamid Wadaada Danbe Ee Kasoo Horjeeda Xuska Musheekhdii Ehelul Karamka Ahayd.

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo kamid Culimada waawayn ee dalka kamid ah masuuliyiinta Wasaarada diinta Iyo Awqaafta jamhuuriyada Somaliland ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xuska siyaarada Sheekh Cabdiqaadir Jiinaali Oo dhawaan lagu qabtay magaalada hargaysa isagoo ka Sheekheeyay waxyaabaha diiniga ee baneeyay In la xuso musheekhdii Ehlul karamka ahayd ee diinta islaamka faafitaankiida doorka muhiimka ah kulahaa iyo taariikhda sheikh cabdiqaadir jiinaali.

Sidoo kale sheikh yuusuf ayaa eedo culus ujeediyay qaybo kamid culimada danbe oo iyagu diidan xusaskan oo kale iyo mawliidka Nabiga NNKH.

Dhanka kale sheikh yuusuf ayaa wadaada qaar ku Eedeeyay in ay qayb kayihiin muranada ka taagan Masaajiida iyo sida ay dhaqaale raadiska uyihiin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA SHEEKH YUUSUF;

 

 

Exit mobile version