Maayarka Magaalada Gabiley Oo Tacsi Udiray Qoyska Uu ka Baxay Marxuum Maxamed Cabdilaahi “Qojobe” Oo Ku Geeriyooday Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Tacsi Udiray Qoyska Uu ka Baxay Marxuum Maxamed Cabdilaahi “Qojobe” Oo Ku Geeriyooday Gabiley.
December 3, 2020 - Written by Editor:

TACSI;MAAYERKA MAGAALADA GABILEY;

INNAA   LILLAAHI   WA  INNAA   ILEYHI  RAAJICUUN.

Duqa  Degmada  Gabiley  Md. M-aamiin  Cumar  Cabdi  Ayaa  Tacsi  U  Direy  Geerida  Marxuum  ( Maxamed  Cabdilaahi  Habane ) “Qojabe” Oo  Hore  Maayer  Uga  Soo  Noqdey   Degmada Gabiley.

Gabiley-(W,N)- Gudoomiyaha  golaha  degaanka  Degmada  Gabiley  ahna Duqa Degamada  Md. M-aamiin  Cumar  Cabdi  ayaa  isaga  oo   ku hadlaya   Magaciisa,  ka  Gole-weynaha,  ka   deegaanka iyo shacabka gobolka gabiley   waxa uu  Dhambaal  tacsi  ah u  dirayaa  Qoyska, Qaraabada  iyo  Qaranka  Somaliland  ee  uu  ka  baxey  Marxuum  Maxamed  Cabdilaahi  Habane  “Qojabe”, Oo ahaa  Duqii labaad  ama  Maayerkii  labaad  ee  Degmada Gabiley   xiliyadii  dib-u-yagleelida  Jamhuuriyada  Somaliland,  Waxaanu  yidhi  Ilaahey  Naxariis  waacisa   ha  ugu  deeqo  oo  qabriga  haw   nuuro.

Marxuumku  waxa  uu  ahaa  Mujaahidiintii  ka   soo  qayb-qaatey  halgankii  hubeysnaa, ee dib uxorayta jamhuriyada Somaliland, Ilaahey  ha a dhigo adoon la jecelyahay qabriga ha unuuro

Sidoo kale  maayarka magaalada gabiley ayaa xusay doorkii uu marxuumku ku lahaa  dib-u-dhiskii  Qaranka  oo uu  uga  qayb  galey  masuul ahaan  iyo  odey  ahaanba,  Ka  dib  bilawgii  nidaamka  dawladnimo  waxa  uu  noqdey   masuuliyiintii  Gabiley  ugu  facs-weynd  ee  ka  shaqeeyey  dib-u-dhiska  hogaamintiisii,  Isaga oo  noqdey  Allaha u  naxariistee  Maayerka  Degmada  Gabiley  iyo  waliba   Gudoomiyaha   Degmada   Tog-wajaale,   In  badan  ayuu  qarankiisa iyo  umadiisa  marxuumku  ugu  soo  adeegay   masuuliyad  toolmoon  Allaha  ka  abaaliyee  maantana  waxa  hujuumey  xaqii  lagu  xukunaa  Naxariis  iyo  Raxmad  ayaan  Mawlaha  uga  dalbaynaa   Bi-idmi-laahi  tacaalaa,  Sidaa  ayuu  yidhi  Duqa magaalada gabiley  isagoo  matalaya  Gole-weynihii  Degaanka   Degmada Gabiley.

Ugu  danbayntii  waxa  uu  maayarka Maxamed Amiin  xusey  in  maanta  Libdho-galbadkii  uu  ka  baxey  Jamhuuriyada  Somaliland  iyo  umada Reer  gabileyba  odey-weyn,  Oo  ka  mid ahaa  hadhacyadii  unkay  Dawladnimada  lagu naaloonayo,  Sidoo kale  waxa   Maayerku  si gaara  uga  tacsiyadeeyey  qoyska  uu  ka  baxey  Marxuumku ee  Reer  Maxamed  Cabdilaahi  Habane, Waxaanu  yidhi   dhamaantiin  iyo  dhamaantayoba  Ilaahey  samiriyo   iimaan  saadiqa  ha  inaga  siiyo,  Aamiin  Aamiin  Aamiin.

Marxuum Maxamed cabdilaahi Qojobe ayaa maalinta bari ah lagu aasidoonaa magaalada hargaysa gaar ahaan xabaalaha baqiic.

 

 

 

COMMENTS
LINKS