Gacantaadda Haku Dhaxal-Wareejin Dhulkaaga Hooyo.“.Qallinkii;Mahad Ali-Salaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gacantaadda Haku Dhaxal-Wareejin Dhulkaaga Hooyo.“.Qallinkii;Mahad Ali-Salaan.
December 4, 2020 - Written by Editor:

Dhamaan Ummadda Somaliland waan salaamaya ISCW,Waxaan Xalkan ku iftiiminaya oon ku qaada Dhigeyna qadiyad aan Indhaha laga qarsan karin oo dhibkeedu inagu soo socda Hadhowna aynu farta Dhexda ka qaniini doono hadaan maanta Wax laga qaban.

Waxa igu kalifey maqaaladan oo taxane noqon doonta oon aad Ula yaabey 2015 oo Hargeisa lagu caleemo saarey Suldaan Oramo ah oo waliba lagu sharci gareeyey waaba Suldaan Shaydaan Bilisadii Shacabka la dajiyey ee madaxda ka ahaa Ciidankii oramada ee 1977 ilaa 1991 inala dagaalamayey.

Tariikhdu waa soo noqnoqata oo wax dhacay waqti hore ayaa Dib u soo noqda marka maanta tan jirta ee barkacyadan Oramadda ahi ay ku bara dagayaan dhulka Somaliland mid hore Udhacdey 1977 ilaa 1991 ayey ahayd,se labada xaladood tan Maanta socota iyo tii hore waxay ku kala duwan yihiin mida Hore xoog ayuu Siyaad Bare u dajinayey tan maanta se inaga Ayaa gacmaheena ku dajinayna waana aynu gorfeyndoona.

Dowladii Siyaad Bare waxay dajineysay Somaliland saddex qolo oo ah Oromo(SOMALI ABOO),Somali Galbeed  iyo Dad gaara oo Koonfurta Somalia ka yimid.Waana kii cali Xasan Roodhiile(Cali Banfas) lahaa:

Magaaladu hadday durugto waa,deris gallaadeede

Xaafadii Dulmaygaag la baxay,daadafka Xawaadle

Dulucgii Cilmiyo geerashkii,laysu dacareeye.

Sheedaha ka doonaa la yidhi,kii la duudsiyey

Daadduunkan ay soo wadaan,debedda kuu saarye

Duumay la soo wada galeen,degelladeeniiye

Daacuunka ay beerayaan,kama daweetane

Iyagaa dalkoodii ka yimid,duulkan soo qaxaye

Dhushaa adi lagaa saarayaa,kugu danaystaane

Dan-wadaagga ay sheegayaan,waa waxay dilaye

Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!!

Runtii Waxaa jirta maanta arin u baahan ficil waayo??? waad Ogtahay in Somaliland bad kusoo faruurantey Oroma ahi waana Dad tiradoodu ad u badan tahay.Waxaa is weydiin mudan Maxay dadkani u yimaadan Somaliland? Qoxootigu waa wax Jira oo waa sida Suuriya iyo sidey ahayd Ummadda Somaliland 1988 se Oramadu waa ka gadisan tahay waa dad aaminsan iney Leeyihiin dhulkan Somaliland oo bari hore laga qaadey.

Siyaad Bare markii uu ku beerayey Somali galbeed waxay ahayd Arin aad u weyn oo qasab ah waxaa 1977 ilaa 1986 la dajiyey Qoxooti Orama ah waxaanu u bixiyey SOMALI ABOO tiradoodu Waxay ahayd 1.200,000 ilaa 1.900,000 qof waxaa la dajiyey Meelaha ugu fiican Somaliland ee biyaha leh waxaa ka mid Ahaa:Agabar,Bixin.Arabsiyo,Adhi-Caddays,Biyooley,Dacawaley,Dhaamka Hargeisa,Gannad Hargeisa,Laas-dhuure,Dhamuug,Darbi-hore,Tog Wajaale,Saba-cad iyo meelo kale oo aad u badan.

Waxaa taliska Siyaad Bare uu caalamka ugu sheegey iney Dadkani yihiin qaxooti ku soo barakacay dagaalkii 1977 ee Itaabiya iyo Somalia dhex marey.Se bartilmaameedku wuxuu Ahaa in Somaliland la dajiyo dad sida ku cad WARQADII SIR CULUS ee Moran uu siyaad u qorayey.

Caalamku qoxootiga aad ayuu u caawiyey sidey u dagi lahayeen Somaliland waxaana ka shaqeynayey ururrada sama falka ee caalamiga ah

Waana kuwan:

<>Swedish Specail unit for disaster Relief (SSUDR).

<>Association Francaise de Voluntaires Du Progres.

<>Catholic Instittute for International Relief (CIIR).

<.Leaque of Red Cross societies(LRCS).

<>Mennonite Central Committee (MCC).

<>Swiss disaster Control(CDC).

<>World Vision International (WVI).

<>Food for the Hungry International.

<>Oxfam,

<>Africare.

<>Germal Red cross (GRC)

<>International Christian Aid (ICA).

<.Medicine Sans Frrontiers (NSF).

Germal Technical Relief .

<>Italian Health Team (AUCI).

<>Order of Malta (SMOM).

Save the Children Fund,

<>Swedish Church releif.

<>Help the Aged.

<>TearFund.

Dhamaan ururadda wuxuu Siyaad Bare amar ku siiyey iney shaqaalaha ka dhex qortaan qaxootiga oon la qoran dadka Somaliland u dhashey.

Sir ma qabe Allow sahan u ah ee waxa la heley 23kii bishii January 1987 waraaq uu Morgan u dirayo Siyaad Bare dushana ay kaga qoran tahay SIR CULUS warqada waad ku arkeysa sidii loo dhaxal wareejin lahaa dhamaan dadka Somaliland.

Oramadii waxaa guryo waaweyn laga siiyey shacabka waxaana abaan duule u ahaa SULDAAN SHEEKH BILISO,dhamaan qaxootigii waxa laga dhigey Askar oo Guulwade,NSS,Ciidanka qalabka Sida,

Hadaba maanta tan Somaliland ka socota waa tii oo kale oo Aynu inagu gacanteena ku dhaxal wareejineyno dhulkeena Hooyo waynu la socona in Guri walba oo Hargeisa uu ilaaliyo Qof orama ahi,waan la socona in ka kabaha kuu balasheeya uu Oroma yahay ,waan la socona ka gawaadhida ku meydha inuu oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxidda kaga shaqeeya Inuu oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxida ka shaqeeya uu orama uu yahay ilaa kan dawarsada,biyaha dhamiya,kaariyoonaha wata,iminka ilaa tukaamadda ilaa iney Gudoomiyaha barlamaanka ilaaliyaan waa la og yahay.

Arimaha wax talo uga yaala iyo Siyaasad cad ma jiraan sababta ay dowladu arintan wax uga qaban weydey waa maxay???? Se xusbiyada mucaaradku maxay uga hadli wayeen waa maxay sababtu????

Dowaladu waxay uga hadli weyday oo wax uga qaban weydey waa laba arimood,

1;Wax siyaasada oo aqoona oo qoraala oo xeer ah oo ay hayaan ma jirto oo uga yaala oromada wadanka soo dagaya mid shaqeeya iyo mid dawarsada wax xeer ah oo u yaala ma jiro.

2;Tan kale wasiir wal oo arimaha gudaha ahi wuxu ka baqaya Itoobiya ayaa il kugu eegi ma oga in oromada laga mustaafuriyo Jigjig,Adisaba,Diridhaba iyo Herer oo loo mustaafuriyo meelaha ay degan yihiin.

Tan kale ee xusbiyadu uga hadli wayaan waa oramada codka ayey ku siin waayi markey tuugadda ku qaataan kaadhadhka codbixiyaasha SUBXAAN ALLAAH.

Dawladeenu ama wasiir walba oo arimaha guduhu iyo xusbiyaduba waa sida sidey ugu habranayaan Oromadan sidii daadkii waaheen ku soo faruurmey wadankeena,Daljiroow waxaa inala gudboon halgan aan wax kaga qabano arimahan.

qaylo dhaan iyo kacdoon siyaasadeed oo oromada sideynu u hor istaagi lahayn ayaa maanta loo baahan yahay inago cidna dhibaato u geysaneyn.

Waa inoo iyo maqaaladda danbe ee aynu ku qaada dhigi doona sida loo joojin karo iyo Tariikhdooda iyi tarkiikhdii Mililik iyo xala salaase iyo siyaasada laga rabo xeebaha Somaliland.

ILLAAHAY HA HOW GARGAARO SOMALILAND AMIIN>>>>AMIIN>>>

MAHADSANID

QALINKII; Mahad Ali-salaan

Bristol

mahadpobox@gmail.com

COMMENTS
LINKS