Maxaa Ka Socda Geeska Africa, Maxaase Inagala Gudboon..?Maxay Tahay Siyaasada Wayni“ The Big Game,”?W/Q; Sacad Muuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Socda Geeska Africa, Maxaase Inagala Gudboon..?Maxay Tahay Siyaasada Wayni“ The Big Game,”?W/Q; Sacad Muuse.
December 8, 2020 - Written by Editor:

Geeskan Afrika ee aynu ku noolnahay, waxa ka socda tartan Cusub iyo is-beddalo badan oo xagga Amniga, Ganacsiga,iyo Siyaasadaha guud ah kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan Waddamada isutaga Carabta(United Arab Emirates)Turkiga iyo Iiraan, sidoo kale Shiinaha, Ruushka iyo Mareykanka oo hirdan Weyn oo dhaqaale ka muuqdo ayaa iyaguna is-beddelada Saamaynaha ugu badan ku leh, ama Jaangooyntiisa ugu badan ba leh.

Xaaladdan istiraatiijiyadeed ee ka alkumantay Badda Cas iyo Waliba gacankan cadmeed ee saamynaha kala duwan nolol Ahaan iyo siyaasad ahaan ba innoogu leh, waa in loo fahmaa inay tahay fidinta laba loolan oo xagga awoodda ah,Khilaafka Sucuudiga iyo Iiraan oo  dhinaca, iyo khilaafka ka dhex aloosan Khaliijka Imaaraatka iyo is bahaysiga Qadar-Turkiga oo isu dhinac ah.

Loolankan cusub oo ay sababeen dano ama tixgalino amni iyo mid ganacsi oo is huwan,

Sida hadda, inoo muuqata waddamo badan oo ay colaado hor lehi kala dhextaalay ilaa wakhtigii Gumaysataha (kadib/kahor) ay dib ubilaaben heshiisyo nabaddeed,mid ganacsi iyo mid isu socod ba, sida Ethiopia iyo Eritrea oo UAE dabada ka waday heshiiskooda.

Eritrea; waxa laga saaray (section List) ka UN-ta in kastoo  loogu Talo galay in go’doon siyaasadeed iyo Cunaqabatayn dhaqaale Oo adag lagu rido,ayaa hadda laga qaaday si ay u fulaan danaha Iyo dedaalada is xulafaysi ee adduunka ka socda waddamo Badanina ku kala dheerayanayaan waddamadii hore ee Go’doonada siyaasadeed lagaliyay ee ku yaala marinada Istaariijiga u aha ganacsiyada,xidhiidhka caalamiga  inkastoo Eritrea  wixii intaa ka danbeeyay wadamo badan ayna la furin la macaamil Caadiya .

Haddaba, Somaliland wax badan baa barnaamij kan ka khuseeya,maxaa yeelay Mandaqadan geeska Afrika badda cas Iyo gacanka cadmeed ee aynu ku naalno waxa waxbadan raba inay ka go’aamiyaan dhanka siyaasada hadana daadaalo hor lehna ugu jira .gacanta ku haya wadamo badan  qaar kamida Wadamada xulafada ka ah GCC (Gulf  Cooperation Council ) hadaba

Ciyaartan lagu dhex dheelayo geeska Africa oo ku suntan magaca The Big game maxaa inagala gudboon…? khaasatan Somaliland….?

Waxa la gudboon lagamana maarmaan u ah, in ay dhugmo wayn u yeelato (Geopolitics) ka Geeska oo ay ugu horrayso in ay xoojiso xidhiidhada diblumaasiyadeed ay la wadaagto, wadammada jaarka iyo In Isha lagu hayo Is-kaashatada cusub ee Badda cas oo ilaa hadda shaqadooda is daba joog tahay wax matalaadana aynaan ku lahayn walaw aynu horeba uga so horjeedsanay qorshahooda Dhawr jeer oo Hore in kastoo ay u danbaysay magaciibistii danjire Yusuf garad uu magacabay madaxwayne farmaajo taas oo muuqatay in uu ahaa fal Somaliland ku wajahan isaguna iskugu muujinayo in talada Gacanka cadmeed ka Somalia ahan wax laga waydiiyo walaw Aynu mar labaad cadaynay in wax boos ah Somalia ku lahayn Bada Cas iyo Gacan ka cadmeed .

Si kasta oo ay tahay Dunidu qarnigan 21aad  xeerka ay ku Dhaqmayso waa xeerka Kaynta (law of the jungle) oo ah kolba Ciddii awood ahaan is bixinaysa mid siyaasadeed ama Military In ay noolaato.

Sidaa darteed, waxa aan laga maarsanayn in la xoojiyo Xidhiidhada siyaasadeed,dhaqaale ama amni ee Aynu Waddamada dunida ee danaheena muhiimka ah ka dhex arki karno ama la la leenahayba tusaale Ahaan in la abuuro oo wax La iska waydiiyo sidii xidhiidh difaac oo military wadanku (Somaliland) ula Yeelan lahayd wadamada Xidhiidhada wayni ka dhaxeeyo ee ka baxsan Geeska Africa maadaama Wadamada Geeska tartan dhaqaale iyo mid amniba inagala dhaxeeyo , talo Ahaana waxa ila quman in Xidhiidh ka cayn kaas ah lala sameeya wakhti xaadirkan Jamhuuriyada dalka shiinaha ee Taiwan (  Republic of China ) ROC .

Ugu danban waxa aan qormadan muhiimka ee kooban ku soo Afmeerayaa in 4.5-ta Million ee Somaliland ku nooli  in ay isku Duubnaadan shacab,xisbiyo iyo xukuumad ba marka ay Qarannimada noqoto kalsoonidii lagu dhisi lahaana laga helo hadba cidda dalka majaraha u haysa  ee ummadda dawladnimada ku matesha.

QALINKII; Sacad Muse Ibrahim

United Nations-Mandated University (U peace)

School of Peace & Conflict studies

COMMENTS
LINKS