Ka Hor Tagga Muranka Doorashada Dabadeed! W/Q;Aadan Ismaaciil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ka Hor Tagga Muranka Doorashada Dabadeed! W/Q;Aadan Ismaaciil.
December 12, 2020 - Written by Editor:

Waxa Dalka Looga Diyaar garoobaya doorasho hal qof iyo hal Cod ah. Waxa aad mooddaa in imika la isku wada raacsan Yahay. Cid tirsanaysa caddaalad darro ma aragno waayo waxa si Cad u qeexan habka lo qabanayo. Waxa laga yaabaa in ay sidaa Ahaato illaa malinta natijada lagu dhawaaqayo. Waxa la sii Saadaalin karaa in malinta lagu dhawaaqo go’aanka ay soo bixi Doonaan shakhsiyaad ama beelo tirsada Cadaalad Darro. Dadkeena way ku adagtahay in ay qirtaan in laga reeyay. Bal ka soo qaad haddii beeli hesho tiro ka yar intii ay hore lahayd. Yaa Ku qancin kara beeshaa waa la idinka reeyay. Haddii Ciyaartooygeennii kubadda cagta lagu qancin kari waayay waa la idinka badiyay, maxaad ka filaysa rag u tartmayay xildhinnimmo oo kharash ku bixiyay?

Haddii aan imika laga gaashaaman waxa aynu maqli doonaa Arrimaha soo socda oo waddanka gelin kara khakhal siyaasadeed:

1;Waa lagu shubtay ee doorasho xor ahi may dhicin

2;Waxa beel heblaayo u codeeyay dad dhintay, carruur iyo dad aan u dhalan dalka

3;Beeshayadu ma aqbali karto kuraas ka yar intii ay hore u lahayd.

4;Xisbiga Kulmiye waxa uu adeegsaday lacagtii qaranka iyo isgaadhsiintii qaranka.

Waxa la yidhi daadka waxa la iska moosaa inta aanu roobku soo daadan. Waa in imika la dejiyaa hab daah furan oo qancin kara dadka intooda badan. Kallay dad badan baa jiraa oo aan weligood la qancin karin laakiin haddii ay inta badani oggolaato habka hore loo sii dejiyay, muranku wuu yaraan doonaa. Dad badan baa waayaya lacag badan oo ay ku bixiyeen tartanka doorashada haddii ay dhacaanna isku dayi doonaa in ay cabasho keenaan gar iyo gar darraba ama Xamar u cararaan.

Caddaala darrada la sii arko imikba waxa ka mida:

Xildhibaanada oo ku soo kala bala codad aan isu dhoweyn sidii hore u dhacday. Midbaa gobol hebel kaga soo bixi kara 2000 (laba kun oo cod) halka uu mid kale ku waayi karo 5000 (shan kun) gobol kale. Waxa taa lagaga hor tegi karaa iyadoo  waddankoo dhan tiro is le’eg lagu soo doorto xildhibaanada. Tusaale ahaan: Haddii waddankoo dhan ay ka codeeyaan 1000,000 (hal miyan oo qof), waa in loo qaybiyaa 82 oo ah tirada xildhibaanada golaha wakiillada. Waxa ay u badan tahay in aanay cidina gaadhin tirdaa (12000) waayo waxa codadka qaybsanaya tartameyaal badan. Waxa la samayn karaa 82 murashaxa ee dalkoo dhan ugu cod bata ayaa la siinayaa guusha. Taasi wxay keen kartaa in beelaha qaar waayaan waxay filaneyeen ama in ka yar intii ay hore u lahayeen haseyeeshee waa hab qancin kara cid walba.

Waxa kale kale oo lagaga hor tegi karaa cabashooyinka yimaadda doorashada dabadeed iyaddoo tartamayaashash loo caddeeyo in ciddii cabasho qabtaa ay soo gudbiso 24 saacdood gudahood ka dib marka cod bixintu dhammato inta aan la bilaabin tirinta codadka. Waa in marashax walba laga saxeexaa in uu oggolaan doono goo’aanka ka soo baxa gudida doorashooyinka haddii uu guulaysto iyo haddii kaleba. Waa in aan loo oggolaan suldaannda iyo nabad doonnadu in ay diidmo muujiyaan ka dib marka natiijada lagu dhawaaqo kol hadii ay tartamayaashu hore u saxeexeen.

Wa billahi tawfiiq

Qalinkii; Aden Ismail, Canada

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS