Xus Iyo Xusuus Taalada Diyaarada Ee Hargeysa Cawil Cilmi Cabdale(IHUN) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xus Iyo Xusuus Taalada Diyaarada Ee Hargeysa Cawil Cilmi Cabdale(IHUN)
December 13, 2020 - Written by Editor:

Bahda Mareegaha Farshaxan

Diisember 2020

Socod deyrshey waa hore

Daa’imo carruureed

Dumar weer-cad loo xidhay

Diif iyo xannuun qaba

Daaniyo miskiin keed

Debedyaal la wada noqey

Dushay milic ka haysaa

Iyo durihi jiilaal

Baraf baa ku soo degi

Deyro dhaaf kalkiisii

Waxa yimi diyaarado

Miig guuxa laga dido

Dangaraaradii sii

Durba jiidh dadkoo wadhan

Daami haamuhu siday

Daafkiyo rasaastii

Durba geeri loo baday

Maansadii Weli dunida kama dhicin

Abwaan Axmed Aw Geedi

Markaan arkey isbadalka lagu sameyno goobta taalada diyaarada waan soo dhaweeyey, haddana waxaa i galey dareen aan wanaagsaneyn markayi horyimaadeen waydiimaha ay ka mid yihiin:

1;Aragtida iyo fulinta  taaladaa Diyaarada waxaa lahaa Cawil Cilmi Cabdale (IHUN) ee maxaa ii damaano qaadaya inmagaciisu uu ku xardhanaan doono, oo lagu dul qori doono taalada cusub?

2;Maxaa ii damaano qaadayain  naqshada cusub iyo diyaaraduba yeelan doonaan astaamihii xasuuqa oo ah inay noqoto diyaaradii laftigeedii xasuuqa geysatey oo leh tilmaamaheegii lagu yaqaanay oon la badalin?

Intaanu dhiman ayaa mar la wareystay Cawil Cilmi wuxuu yidhi:  “Hargeysa magaaladii aan xukumi jirey iminka maaha”.  Wuxuu marxuumka Cawil aad uga biyo-diidanaa  hab-dhaqanka isbadaley ee dawlada hoose ee Hargeysa. Waxaan ididiilo wanaagsan ka dhiganayaa inaaney weedhahaasi xafiisyada ka soo kicin dadka isku xilqaadey inay wax ku daraan taalada oo qurxiyaan.

xaasidnimo iska ogow

ha xistiyin qof guul helay

ha xagxagan cidkaa mudan

Abwaan Axmed Aw Geedi

“Xilli aan ku qiyaasayo ilaa 10kii habeenimo ayaa diyaaradaa la saarey  halka iminka ay saaran tahay”  ayuu yidhi Xasan Sh. oo u waramayey tifatiraha mareegaha Farshaxan,kana mid ahaa dadkii habeenkii diyaarada goobtaa la saarayey goobjoog ahaa.  Xasan oo sii wada hadalkiisa ayaa yidhi: “ Waxaanan ilaawin Cawil oo  dadka uga digaya inay ka durkaan  diyaarada markuu wiishku  dhulka ka qaadayey ee uu saarayey figta sare ee dhismaha taalada”.

Dadku waxay doonayeen inay taabtaan diyaaradaa intaan la saarin figta sare. Marxuum Cawil oo ogaa  siday ugu adkaan karto in diyaarada la saaro halka ay saaran tahay maanta ayaa doortey in habeenimo hawshaa la fuliyo.  Waxaad halkaa ka arkeysaa in Cawil Cilmi Cabdale ay hageysay   hawsha iyo kolba sida ay ku fuleyso, ee aaney hageyn saacadaha loo qoondeeyey in  la shaqeeyo ee aroorta hore xafiisyada qadada lagu sugo.

Gu’gii 2000kii ayaa waxaa xilkii duqa magaalada tiriyey mudane  Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo u tiriyey xilkaa mudane Cawil Cilmi Cabdale.Dhaqaalaha dawlada hoose  soo gala ayaa aad u liitey oo mararka qaar mushaharka  shaqaalaha ayaa  cidhiidhi geli jirey.

Kheyriyada Hargeysa ayaa u dhisnayd  qaab dhismeed la yaab badan oo ku salaysnayd  hab-dhismeed (Design) sal ku lahaa  hab-dhismeedka Carabta iyo Hindida.  Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraal ka diyaariyey ayaa sidan inoogu faahfaahiyey:  “Dhisme qurux badnaa oo aan dhiggiisu magaalada ku oolli jirin oo naqshad (Design) Faarisiya (Persian) berende shabeg looxaan ahaa ka samaysan oo daadsan ayuu lahaa. Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo khayryadaa baryaha qaar gacanta ku hayn jiray ayaa ii sheegay in qoriga ama looxa lagu dhisay laga keenay Jaziirada Sayloon. Xayaab ubax soo-jiidasho lahaa ayaa ka bixi jiray. Daayeerro aan badnayn ayaa iyaguna joogi jiray”.

 

Bile Rafle Guuleed oo ka mid ahaa ardeydii  1960ka hor wax ku baratey madarasadii AL-AHLI ee ku ooli jirtey Kheyriyada Hargeysa, Sidoo kalena wuxuu ogaa qaab dhismeedkaasi inaanu meelna ka jirin ee ay Kheyriyada Hargeysa ku gaar tahay. Waxaa kale oo uu Bile Rafle Guuleed ogaa taarriikhda ku duugan dhismahaa Kheyriyada. Haddaba waxay ayaandaro ka dhacdey oo sida dad badan isku raacsan yihiin  la qabo inuu Bile Rafle Guuleed dumiyey dhismahaa isagoo ku soo gabanaya waan cusbooneysiinayaa (Casriyeynayaa) oo qurxinayaa. Dib, danbe kheyriyada albaabkeedii looguma yeedhin magacii lagu yaqaaney ee libaaxyaley, dib danbe umay yeelan dareenkii ay dadka iyo dalka reer Soomaaliland u laheyd. Waxaa isbadaley tilmaamihii sheekadu ku furmi jirtey ee ku saabsaneyd  albaabada laga soo galo, qaab dhismeedka gudaha,goobtii  ay ciyaalku ka soo sinbirixan jireen ee ay ku ciyaari jireen,iwm. Bal Adba!!! May rasaase mee rageediii!!!

Maanta  in la cusbooneysiiyo oo la qurxiyo  Taalada Hargeysa ee Cawil intii itaalkiisa dhaqaale ahaan  uu xilligaa ku dhisay ayaan tilmaamihii  iyo ujeedadii loo dhisay waxba laga badalin. Xukuumadi ma laha, xisbi ma laha, waa sooyaal ummadeed oo jiilalka danbe looga waramayo dalkan iyo dadka reer Soomaaliland  xasuuqa loo geystay ee  aan loo kala hadhin ilaa diyaaradii Madaarka Hargeysa ka kaceysay ay ka qayb qaadatey.

Qof kasta oo reer Soomaaliland ahi wuu soo dhaweynayaa waxqabadka iyo hagaajinta meeshii baylah laga arki karo. Waxaase mudnaanta leh in la sugo ilaalinta  tilmaamaha iyo astaamaha sugaya ujeedada taalada loo dhisay markii hore.

Dhayal uma fadhido goobtab Ee geesibaa dhigay

Dhinacyada ragey goysay Baa dheega kaga yaalee

Dhaayaha kuwii ay tirtey Baa dheega kaga yaalee

Dhalintay agoomeysay Baa dheega kaga yaalee

Dhakhtarada kuwii ay dhigtey Baa dheega kaga yaalee

Aakhiro kuwii u dhaacdhacey Baa dheega kaga yaalee

Ku dhabowdey SoomaalilandDhiiga Geesiga ee

Maansoyahanada  Hinda

Qalinki iyo tifatirkii; Fu’aad Sh. Jabha

Bahda Mareegaha Farshaxan

 

COMMENTS
LINKS