Soo Dhaweyntii Reer Awdal Ee Gudoomiyaha Gobolka Tiimbaro Maxaa Iska Baddelay Xiligan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soo Dhaweyntii Reer Awdal Ee Gudoomiyaha Gobolka Tiimbaro Maxaa Iska Baddelay Xiligan?
December 14, 2020 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Waxaa Guud ahaanba Bulshada Somaliland Si Aad ah ula socotey Soo dhaweyn Si aad ah Loo Agaasimey Islamarkaana, aanay ukala Maqnayn Shacabka Reer Boorame iyo Gobolka Awdal haba ugu Badnaadeen Madaxdhaqameedka Culimada,Ganacsatada Aqoonyahanka Waxgaradka iyo Dhamaanba Qeybaha Kala duduwan Ee Bulshada Gobolkaasi.

Soo dhaweynta Milgaha laheyd ee Reer Awdal Ku Baashireen Axmed Caalin Tiimbaro Gudoomiyaha Gobolka Awdal ayaa ka Dambeysay Kadib Markii ay Isku Afxumaadeen Gudoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Cabdi Shaqaabe iyo Culimada Gobolka Awdal oo Kala Fogaanshahoodu Gaadhey Meel Xun iyadoo, Markii hore ay Ka Bilaabantey ismaandhaafka u Dhexeeya Reer Awdal iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka labada Qodob oo Gundhig u ahaa Kala Fogaanshahooda kuwaas oo ahaa In uu Gudoomiyuhu Jeebka u Galey Maayarka Markii Dambe kusoo Noqdey Xilka Saleebaan Afarjeeble iyo Xilkaqaadista Maayarkii hore,oo ay Waliba tuhunka ugu Weyn Ka Qabeen in uu Kaa horena galaaftey kii Xildhibaanadu dib u Doorteena ee Dheeraystena Dhaafiyay, Gacantaaga uu helay ee Codka Golaha Arintaas oo Cadaawadeedii Meel adag Gaadhay Waana Sababta ugu Weyneyd ee Soo dhaweyn layaab Leh oo Shaash leh Loogu Sameeyay Tiimbaro, iyadoo Qodob kalena yahey in ay Isku Fasal ahaayeen Tiimbaro Rag Culus oo Kasoo jeeda Gobolka islamarkaana, laga Qabey Tuhun Weyn oo ku Beegan qof Damiirkiisa,Iimaankiisa iyo Dadnimadiisu Nooshahay in uu Yahey.

Sikastaba taasi ha ahaatee, Wakhtigan Waxa Muuqda in Wax Weyni iska badeleen Soo dhaweyntii Layaabka laheyd ee Reer Awdal kusoo dhaweeyeen Gudoomiyaha Gobolkaasi Tiimbaro, iyo Tuhunkii Cuslaa ee ay marka hore u qabeen Waxaanad Moodaa in Xan Fara badan oo haddana Asturani Kusocoto indhawaale laga soo bilaabo Markii Maayarka Boorame Baloodho uu isaga ku sooryaynayo ka Bilaabay Gudaha Boorame ilaa Dhulkii lagu Qabsadey Sheekhal Baledka Waxaanay Talaabadaasi qeyb Ka Noqonaysaa Su,aasha Ka taagan Soo Dhaweyntii Tiimbaro ee Reer Awdal Dababta fajaca ku Noqotay Waa Talaabada Tiimbaro kusoo Kordhiyay awdal oo ku kooban LabFadhiga Axmed Xaaji Daahir Cilmi Wasiirkii hore ee Wasaarada xidhiidhka Golayaasha iyo Dhaqdhaqaaqa Baloodhada Gobolka

lasoco:- Qeybta Dambe

Faaladii Rabiile Xaaji Abiib

COMMENTS
LINKS