Dahabshiil: Hormoodkii Rajo Soo Celinta Bulshada Soomaalida! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dahabshiil: Hormoodkii Rajo Soo Celinta Bulshada Soomaalida!
December 15, 2020 - Written by Editor:

Shirkadda Dahabshiil waxay bulshada Soomaaliyeed usoo qabatay, una haysaa dhammaan adeegyadii dadweynuhu ka heli lahaa dowlada, kuwaasoo isugu jirey Xawilaadaha lacagaha ee dalka dibediisa iyo gudahba iyo (Bank) Kaydinta lacagta, iyo sidoo kale war isgaadhsiinta oo dhawr qaybood ka kooban, sida Telefoonadda

Tan iyo intii ka danbeysay 1988-kii ilaa 1990-kii, kadib burburka dawladii dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo xilligaa ka koobnaa labadii gobol ee Soomaaliyeed oo midna Talyaanigu gumeysan jirey, midka kalena ka tirsanaa Maxmiyadda Boqortooyaddii Ingiriisku xukumi jirtey, waqtigaas oo hadda laga joogo mudo ku siman 32 sanno.

Shirkadda Dahabshiil waxay bulshada Soomaaliyeed usoo qabatay, una haysaa dhammaan adeegyadii dadweynuhu ka heli lahaa dowlada, kuwaasoo isugu jirey Xawilaadaha lacagaha ee dalka dibediisa iyo gudahba iyo (Bank) Kaydinta lacagta, iyo sidoo kale war isgaadhsiinta oo dhawr qaybood ka kooban, sida Telefoonadda iyo isticimaalka Internet-ka oo ah aalad caalamka ku cusub, hase ahaatee loogu isticimaal badan yahay dunida kolka la barbardhigo Telefoonadda.

Adeegyadaasi bulshadu dowlada ka heli jirtay, waxa ay noqdeen kuwo dhamaantood meesha ka baxay kolkii dowladii burburtay, teeda kale, qalabka iyo dhismayaashii adeegyadda fulin jirey, ayaa iyana noqday kuwo ku burburay colaadihii riiqda dheeraa ee socday mudada 32-ka sanno ahayd, bulshadii Soomaaliyeed-na waxay noqdeen kuwo sidii dab-dhagax lagu dhuftay ku kala firdhay Afarta jiho ee caalamka. Kolkii dhibaatada intaas le’egi ku habsatay bulshada Soomaaliyeed intii wadanka ku soo hadhay, waxay u qaybsameen kuwo nolol iyo amni u raadsadey xeryo qaxooti oo ku kala yaal xuduuda Soomaaliya la wadaagto wadamada deriska iyo qaar dib ugu laabtay noloshii Miyiga ee reer guuranimada.

Inkastoo coladaha iyo burburku kusoo kala horeeyey deegaanada gudaha ee Soomaaliya, oo sida la wada ogsoon yahay dhinaca Somaliland, oo waqtigaa loo yaqiiney Waqooyiga Jamhuuriyadii Soomaaliya, uu ahaa halka qaxootigii ugu horeyey ee Soomaaliyeed ee dalka dibediisa u qaxay ka firxadeen, iyagoo u talaabay dhina dalka Ethopia, dadkaas oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhowaad 1 Milyan oo ruux, hadana guud ahaan dhibaatada bulshadu ka dhaxashay arintaas may ahayn wax fudud oo tiro lagu soo koobi karo, balse hadii aynu wax yar isdul-taagno, waxa xusid mudan dadkii oo kala lumay, xidhiidhkii eheladda, qaraabada iyo qoysasku lahaayeen oo meeshii ka baxay, sidoo kale waxa iyana go’ay kaalmada iyo gargaarkii bulshadu dhexdeeda isu fidin jirtey. Isku wada geeyoo arimaas oo dhan waxay noqdeen kuwo bulshadii Soomaaliyeed ku riday quus iyo rajo la’aan, waxaanu xaalku noqday mid aan ka dhicin “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna”.

Hadaba kolkuu xaalku halkaa marayo, waxa ilaahay mahadi ha ka gaadhee furmay rajadii u horeysay ee bulshada, kadib markii mulkiilaha shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale uu furay xafiis noociisu ku cusub yahay indhaha iyo dhegaha bulshada, kaasoo ujeedadii laga lahaa ahayd inuu fuliyo dhamaam adeega iyo baahiyaha ay tebayaan, waxaanu xafiiskii u horeyey ee Shirkadda Dahabshiil leedahay oo laga furay Magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya, waxa uu noqday muftaaxii rajo soo celinta bulshadii kasoo qaxday dagaaladii ka socday gobolada Somaliland waqtigaas, waxaanu bilaabay durbadiiba isku xidhkii bulshada ee dhinaca Telefoonada iyo weliba dhanka dirista lacagaha gargaarka ah ee dadkii qurbaha ku maqnaa usoo dirayeen eheladoodii gudaha joogtey.

Dadkii waqtigaa joogey ayaa garan kara saamaynta xafiiskaasi ku yeeshay noloshii bulshada iyo qaxootigii ku sugnaa xeryihii ku teedsanaa xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee Xarshin, Daroor, Gaashaamo, Harta-Sheekh iyo meelo kaloo badan, kolkii la helay xidhiidho joogto ah oo dibed iyo gudo qaraabadii ku kala sugnayd dhexmaray, magaalooyinkii waxa ka bilaabmay ganacsi kala duwan, sida Hudheelo, Dukaano yar-yar iyo in badeecado loo kala gudbiyo magaalooyin faro badan oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, sheekadii ma noqon mid intaasi ku dhamaatay, gaar ahaan dhibaatadii ka taagneyd dhinaca Somaliland, hase-ahaatee waxa dagaaladii kusii fideen dhankii Koonfureen ee Soomaaliya, waxaana aakhirkii meesha ka baxay nidaamkii iyo maamulkii fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho, taasoo sababtay in dhibaato tii hore ka badani ka dhacdo goboladii Koonfureed ee Soomaaliya, waxaasoo dhami waxay horseedeen barokac iyo qaxooti ka badan midkii Somaliland kuwaasoo ku qulqulay gobolka Waqooyi/Bari ee Kiiniya iyo dhanka magaalooyinka xuduuda ee Itoobiya.

Shirkada Dahabshiil markii si buuxda ay u kaafiyeen baahiyihii bulshada reer Somaliland dibed iyo gudoba, geesta kale kolkii dhibaatooyinka Koonfurta Soomaaliya bilaabameen, waxa uu noqday muwaadinkii Soomaaliyeed u horeeyey ee ganacsigiisa ku aaminey degaanadii dagaaladu ka socdeen ee Koonfurta, xataa iyadoo dagaaladu isu bedeleen kuwa sokeeye hal habeen kalama bixin ganacsigiisa, waqtiyadii intaa ka danbeeyey sida aynu la wada socono Dahabshiil waxa qayb lixaad leh uu ka qaatay shaqo abuurka bulshada, dib-u-soo celinta bilicda iyo quruxda magaalooyinkii ku burburay dagaalada.

Ilaahay (SWT) iyo Rasuulkiisu-ba (SCW), waxay ina fareen in qofka wax wanaagsan kuu qabta aad u mahadnaqdid, ruuxa aan intaaasi garana aanu Ilaahay-na u mahadniqin, sidaas kolka Diinteenu ina farayso, waxa iyana xusid mudan dhaqanka dadka Gaalada ah waxaad arkaysaa iyagoo qofkooda wax wanaagsan u qabta dadka ama dalkiisa waxay ku xusaan Taariikhdooda, waxayna u aqoonsadaan hanti qarankoodu leedahay xataa ganacsigiisa. hadiise aynu Soomaali nahay way inagu yar tahay in aynu qofka u mahadnaqno inta uu nool yahay, balse marka uu dhinto ayaynu Xabaashiisa amaan isla dul-taagnaa. Isku soo duuboo shirkada Dahabshiil waxay u qalantaa in bulshada Soomaalidu u aqoonsato Hormoodkii rajo soo celinta bulshada Soomaalida.

 

QALINKII; Abdulahi Mohamed Abdi

COMMENTS
LINKS