Shirkii IGAD; Yaa Faa’iiday Yaase Qasaaray? Cali Xasan “Cali Mareexaan”. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii IGAD; Yaa Faa’iiday Yaase Qasaaray? Cali Xasan “Cali Mareexaan”.
December 21, 2020 - Written by Editor:

Dadka Qaar ayaa u haystay in shirkan aan caadiga ahayn ee IGAD  ee ka furmay Jabuuti 20.12.2020, loo Qabtay dalab ka yimi Soomaaliya oo ku saabsanayaa dacwad Soomaliya ka gudbisay Kiiniya, laakiin Shirka wixii loo qabtay waxay ka muuqataa war-murtiyeedka ka soo baxay, waxaanay ahayd arimahan:

A;Waxaa jira khilaaf culus oo ku saabsanaa xuduudaha oo dagaal gaadhay oo u dhexeeya Itoobiya iyo Sudaan.

B;Waxaa kale oo jira Culays Itoobiya kaga yimi dagaalki ay TPLF kaga guulaysatay oo sababay qaxooti isla markaana dhaliyey dareen siyaasadeed, taas oo Itoobiya u baahnayd in ay dawladaha gobolka u sharaxdo sida uu xaalku yahay dagaalkii ka dib.

C;Mushkilada doorasha Soomaliya oo dawladaha gobolku u arkaan haddii khilaafka doorashadu sii socdo In ay Soomaliya ku keenayso dib u dhac wayn oo ay ka faa’iidaysan karaan Alshabaab. Dawladahan oo dhamaantood ciidamo ka joogaan Somaliya arintaa waxay u arkaan arin nabadgelyada gobolka saamaynaysa.

D;Arinta khilaafka Somaliya iyo Kiiniya sida qofwaliba garan karo waa lagu soo qaaday shirarkii Albaabadu u xidhnaaneey laakiin waxaa cad in markii aragtida laysu keeni kari waayey in baal layska dhigay.

Hogaamimayaashu waxay maanka ku wada hayeen in ay Farmaajo muddo xileedkiisii ay u hadhsan tahay muddo bilo ah, sidaa darteen waxay xooga saareen sidii Somaliya ay uga dhici lahayd doorasho lagu wada raali yahay.

War-murtiyeedka hal erey lagagama soo darin khilaafka Kiiniya iyo Soomaaliya, taas bedelkeedii waxay hogaaamiyayaashu diiradii ku soo wada jeediyeen khilaafka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya. Halkaa Madaxwayne Farmaajo waa lagaga gacan sareeyey, waayo isagu wuxuu doonayey in arinka laga dhigo Kiiniya iyo Somaliya si uu ugu muuqdo nin qaran Soomaaliyeed difaacaya, laakiin fariinta war-murtiyeedku xanbaarsan yahay waxaa ay si cad ugu  sheegaysaa ” Soo hayaajiso gudahaaga.

Waxaa kale oo arin wayn ahayd, arintii uu Farmaajo u arkayey farogelin gudaha Somaliya  ee safarkii Kiinya ee Madaxwaynaha Somaliland, in war-murtiyeedka lagu qarwaaqsaday in ay muhiim tahay in la sii wado wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya. Taas oo iyana fariin kale ahayd.

ugu danbaytii shirka kama soo bixin wixii Farmaajo filayey, waxaana si lama filaan ah uga faa’iiday midawga musharaxiinta Somaliya oo waxaa is waafaqay baaqoodii ahaa ” doorashada si dhexdhexaad ah haloo maamulo” iyo baaqii IGAD.

waxaa isna guul kala caraabay Uhuru Kenyatta oo ay muuqatay saamaynta ay Kiiniya ku leedahay Gobolka.

QALINKII; Ex wasiir Cali Casan Maxamed (Cali Mareexaan”

COMMENTS
LINKS