Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2021-Ka Qoraa:-Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2021-Ka Qoraa:-Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)
December 26, 2020 - Written by Editor:

Eebaa Iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle Aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2021-ka, Dadka ku xeelka-dheer leh cilmiga odoroska xidigaha waxay odhan jireen “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Sannadkan 2021-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Jimcaad oo loo nisbeeyo astaanta toddobaad ee  burjiga miisaanka ee ku aadan muddada u dhaxaysa 23/9-22/10,  godadka dayaxu  maro ku leedahay  Garbo, Bayaxow iyo Godan, waana xilliga kala wareega xagaaga iyo Deyrta,  waa lab Hawaa’iya, oo maalinle ah,  jihadiisu waa waqooyi, wuxuu leeyahay kulayl iyo qoyaan badan.

Dhinaca Siyaasadda Aduunka Gaar ahaan Somaliland:- Waxay dad badan isweydiinayaan natiijada ka dhalan doonta doorashooyinka gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2021-ka,  waxa laga yaabaa in shaqsiyaadka ugu codka badan  murasharaxiinta tartamaysa xubnaha labada golle ay la kumi doonaan billowga ugu horeeya caqab, ama horjoogsi,.waxaana laga yaabaa in aanay dhameysan doonin muddo xilloodkooda, waxa kale oo la filan jiray dadaka cod-bixiyayaasha ay yaraan doonto tiradoodu, taasoo ay sababi doonto qaabkii loo soo xushay murasharaxiinta u tartameysa xubnaha gollaha wakiiladda iyo goolaha deegaanka,  doorasho qabyaaladeysan oo ku saleysneyd qabiil, qabiil la tartamaya, isla markaana aan lagu dhaqmin hab-raacayaddii loo dajiyey xisbiyadda ee lagu qiimeyn jiraya xulashada murasharaxiinta uga tartamaysa gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka, waana sababaha keenidoona in niyad jab ku yimado codbixiyayaasha, ha loo duceeyo wadanoollaanshaha iyo nabada marka loo dareero coddeynta.

Sidoo kale, waxa sii jiitami doona loollanka siyaasadeed ka dhex-aloosmaya fikradaha muxaafidiinta iyo kuwa  aaminsan fikradaha mucaaridka,  illaa iyo inta laga gaadhayo isku-tanaasul ka yimaada labada dhinac fikradaha ay kala aaminsan yihiin, dimuquraadiyadda iyo sinaantu waxay noqon doontaa mid dheelitiran oo adag, inkastoo mararka qaarkood  ay yeelan doonaan awooddo qarsoon oo ay ujeedooyinkoodu aanay wanaagsaneyn, waxaana loo adeegsan doonaa maskaxaha dadweynaha nidaamkii lagu xakameyn lahaa hadafkaas, waxaana guulaysan doona cadaaladda.

Runtana Allaa Og…….La soco …………….

 

COMMENTS
LINKS