Fashilka Axsaabta Siyaasada Jsl!Qalinkii; Axmed Muxumed Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fashilka Axsaabta Siyaasada Jsl!Qalinkii; Axmed Muxumed Cumar.
December 27, 2020 - Written by Editor:

(Qabiil Waan ku soo badbaadnay Oo Waxaan kaga soo Baxnay waqti adag laakin Qaran iyo Dawlad kuma Noqon karo isagaana ina burbrin doona hadaynaan halkaa kaga gudbin oo aynaan u gudbin Nidaamka Asxaabta badan ,) Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen hadalkii uu Allah u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyay xafladii lagu daah furayay Aasaasida Ururada Siyaasada JSL.

Hadaba nuxurka erayadaas waxay si waadaxa inoogu iftiiminayaan muhiimada  ujeedooyinka  iyo hadafka aasaaskii asxaabta Siyaasada oo ahayd in umadan loomhelo nidaamka ay kaga gudubto hanaanka siyaasada Qabiilku saldhiga u yahay oo la gaadh siiyo hanaanka dawladnimo saldhignu yahay  nidaamka asxaabta badan si qofku  xusbiganuu doono ama  uu ku qanco mabaadiidiisa uu uga mid noqdo ama ku taageero

Hadaba aniga oo aan qoraalkaygan koobannku soo koobinkarin  ambadka  Axsaabta Siyaasada Soomaaliland  ay kaga lumeen ujeedooyinkii lagala aasaaskooda iyo guudarooyinka ay umada u horseedeen  waxaan qoraalkaygan kooban rabaa in aan waxooga  bulshada ugu iftiimiyo  dhacdooyinkan hada ugu dambeeyay ee ku tusaya fashilka asxaabta Siyaasada

Sida aanndhamaanteennka wada warqabno waxaa inaga soo fool leh Doorashooyinka sidkan ee Golaha wakiilada iyo Deeganka  degmooyinka oo ah laba doorasho aad u muhiim ah oo ay tahay in xubnaha loo soo xulayo inay u ordaan  ay soo xulayaan axsaabta Siyaasadu iyaga shaqsiga ku qiimeynaya sida uu ugu haboon yahay inuu jagadaa qabto

Bilahan iyo todobaadadan ugu dambeeyay waxaad arkaysaa reerihii oo dhexdooda is haysta oo shirar kooda ay maqlayso buuqa iyo sawaxanka ka dhacaya sababta ugu weynina ay tahay iyaga oo isku haysta xulista xubnihii iyaga ku meteli lahaa inay u ordaan doorashooyinka soo socda , hawshan oo ahayd tii ay qaban lahaayeen asxaabta siyaasadu

Inta badan arkaysaa nin xusbiba kantirsanayn oo lagu leeyahay waa musharaxa reer hebel isku soo raaceen ee ay soo saxeexeen

Kama dambaystiina arimahan iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin miyaanay ahayn  tusaale fiican oo ku tusaya fashilka asxaabta Siyaasada iyo siday uga ambadeen ujeedooyinkii samaysankooda saldhiga u ahaa  iska dhaaf  adeegsiga qabiilka oo ay umada ka saaraan miyaanay dabka u sii shidan oo aanay shidaal ku sii shubin.

Qalinkii;-Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed talyaani”

COMMENTS
LINKS