Shan Iyo Labaatanka Xubnood Ee Golaha Deegaanka Hargeysi Ma Ganacsataa?! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Iyo Labaatanka Xubnood Ee Golaha Deegaanka Hargeysi Ma Ganacsataa?!
January 1, 2021 - Written by Editor:

WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham.

Sidee bay ku dhacday caasimadda dalkayga oo soddon sanno nabad ah, in ay meelaha qaar sida nadaafadda  iyo beeraha shacabku ku nastaan ay Xamar oo soddon sanno hoobiye ka dhacayay, ugaga wanaagsanaato?  Tani waxa ay damqaysaa qofkasta oo in uun damiirkiisu nool yahay. Hadda bal aan idin xasuusiyee Soomaalidu waxa ay odhan jirtay; hal waliba halka ay is dhigto ayaa lagu qalaa! Sida oo kale (AHN) Maxamed X. Dhamac “Gaarriye” wuxuu lahaa;

” Waxaan doono lagu karin,

Nin aan kaba dareen qabin,

In uu dayn ka maqan yahay?!”

Bal su’aalaha jawaabtooda ila baadi-gooba;

1.Maayarka Hargeysa, ku xigeenka iyo xildhibaannada golaha deegaanka ee Hargeysi ma ganacsataa?

2.Ma khammaar bay heleen?

3.Ma bakhtiyaa-nasiib bay ku guulaysteen?

4.Ma biyaha meerkurida la yidhaahdo ayay iibiyeen?

5.Mise hubka ayay ka ganacsadaan?

6.Ma xubnaha bini-aadmiga ayay ka ganacsadaan?

7.Hadda ba intaasi ba haddii aanay midna ku jirin xaggee waxan oo xoolo ah ka keeneen?

8.Haddii aan nahay ummaddii ay dhaceen sow ma ahayn in ay innaga xishoodaan?

9.Maxay dadku u dareemi laayihiin in guryahan cadcad iyo gaadiidkan qaaliga ahi laga samaystay hantidoodii iyo cashuurtoodii?

10.Shacabka miyaa la qaboojiyay?

11.Mise waa suuxsan yihiin?

12.Ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?

Ugu dambayn waxa aan durayaa HANTI-DHAWRKA dalka oo marka aan magaciisa maqlo aan is idhaa; “Hanti-dhawrka saraha dhaadheer ee tuugta dalka boobtay indhihiisu qaban waayeen in la kala diro oo lacagta Qaranka halkaas kaga baxaysana carruurta darbi jiifka ah lagu daryeelo ayaa ila qumanayd.”

QALINKII; Cabdinaasir Axmed Abraham.

 

COMMENTS
LINKS