Ururkii Saxaafada Somaliland Oo Laba Garab u Kala Jabtay Iyo Xiisada Oo Meel Halis ah Maraysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururkii Saxaafada Somaliland Oo Laba Garab u Kala Jabtay Iyo Xiisada Oo Meel Halis ah Maraysa!
January 1, 2021 - Written by Editor:

Mudooyinkii  U Danbeeyay  Waxa  Khilaafaad  Ka Dhex Oognaa  Bahda  Saxaafada Somaliland Qaybo Ka Mid Ah Iyo Maamulka  Ururka  Suxufiyiinta  Somaliland Ee SOLJA Kaasi Oo Salka Ku Hayay Hanaanka Qabsoomidda  Shirwaynaha  Ururka Oo Lagu Soo Dooranayo Hogaanka Sadexda Sano Ee Soo Socda Ee Ururkaasi,Iyo Nidaamka Saxafigu  Doorkiisa Uga Qaadan Karo Doorashada  Hoggaanka Sare Ee Ururkaasi.

Sida Ku Cad Magaca Ururka Waxa SOLJA  Iska Leh Oo Ku Midaysan Saxafayiinta Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan, Ergaduna Waxa Ay Ka Iman Jirtay Suxufiyiinta.

Hadaba  Arrimaha  La Xidhiidha  Khilaafka  Waqtigan   Ee  Ururka  Solja,Iyo  Kala Qaybasanaanta  Baaxada  Leh Ee Ka Muuqata  Saxafiyiinta  Somaliland,  Ayaa  Khabiirada U Dhuun Daloola  Dhaqdhaqaaqa Ururka Iyo  Aqoonyahanka Kale  Ee  korka   Kala  Socdayba Waxa  Ay  Saadaal  Aan Wanaagsanayn Ka Bixinayaan  Dhismaha  Iyo,Jiritaanka  Ururkaasi  SOLJA,Iyagoo  Ku Tilmaamay  In Khilaafka  Xiligani  Uu Yahay  Kii  Ugu Xooganaa  Ee Soo Waajaha Ururka,mudadii  uu  dhisnaa.

Maadaama  Saxafiyiintii  Dalku U Kala Jabeen Laba Garab Oo  Waawayn,Taasina  Dabcan  Burbur Aanu Kasoo Kaban Ku Keeni Karto Ururkaasi.

Saxafiyiin Ruuga Cadaa Ah Oo Ka Madax Banaan Labada Garab Ee Saxafiiyiintu U Kala Jabeen,

Si Dhowna U La Socday Xuddunta Khilaafkan, Ayaa  Sheegay In Masuuliyadda Burburka  Ururkaasi  Uu Saldhig U Yahay  Hoggaankii  Xilka Soo Hayay Sadexdii Sano Ee Lasoo Dhaafay Ee  Wakhtigiisu Dhamaaday,Kaasi  Oo Halkii Laga Filayay Inay Xilka U Wareejiyaan Si  Turxaan La,Aan Ah,Si Badhedh Ah Usoo Diyaarsaday  Qorshayaal Dhagaraysan, Oo Ay Ku Doonayaan  Inaanu Marnaba Gacantooda Ka Bixin Maamulka  Ururka Solja,  Taasi  Oo Ujeedadu Tahay Inay  U Dhiibaan Hoggaanka Xubno  Ay  Ku Dul  Maamuli Karaan  Oo Danahooda Gaarka Ah  Kaga  Dhex Fushan Karaan.

Suxufiyiintan Soo Jireenka Ahi Waxay  Si Gaar  Ah  Dhibaatada  Ugu Weyn Ee Soo Wajahday Ururkan  Dhabarka U Saarayaan  Gudoomiyihii  Hore Waqtigiisu Dhamaaday  Ee  SOLJA,Maxamuud Cabdi Jaamac  Xuuto.

Iyagoo  Sheegay  In  Ninkaasi La Yidhaa   Xuuto,  Uu  Doonayo Inuu  Ka  Arrimiyo  Cidii  Isaga  Bedeli  Lahayd  Gudoomiyahana Ka  Noqon Lahayd  Ururka Solja,   Iyadoo  Labadii  Bilood Ee  Ugu  Danbeeyay   Xuuto  Iyo Xubno  kale oo Ay  Xulufo Yihiin Oo Daaha Dabadiisa  Ku Jiraa  Olole  Weyn Ugu  Jireen Sidii  Gudoomiayaha Ururka  Looga  Dhigi  Lahaa  Nin  Ka  Mid Ah  Shaqaalaha  Idaacada  Radio  Hargeesa, Oo  La Yidhaa  Sekeriye  Maxamed.

Garabka Suxufiyiinta  Kasoo Horjeeda  Ujeedada  Gudoomiyihii  Hore Ee Xuuto,  Ayaa Dhinacooda  Waxay  Ku Doodayaan Inaanu  Nin Dhalin Yaro Ah Oo Ka Tirsan  Shaqaalihii  Dawlada Hogaamin Karin Ururkii  Ay Ku Midaysnaayen Saxafiiyiinta  Somaliland,Ee  Waajibkiisu  Ahaa Inuu  Wax Ka Qabto Gabood-Falka Loo Geysto  Xuquuqda Suxufiga Iyo Saxaafada,Taasi Oo  Inta Badan  Kaga Timaada  Dhinaca  Xukuumada Marba  Talada Haysa.

Saxafiyiinta Waayo-Aragga Ah   Ee  Ka  Madaxa Banaan Labada  Dhinac  Ee Khilaafku Ka Dhexeyo, Ayaa  Garawshiiyo Ka Muujinaya  Dooda  Ay Ka  Qabaan  Suxufiyiinta  Hay’adaha Warbaahinta Madaxa  Banaani,Gudoomiyaha  gacan ku rimiska ah ee Cusub Ee Mr. Xuuto Iyo Xulufadiisu Dabada Ka Riixayaan,

Halka  Ay  Geesta Kalena    Kashifeen  Ruug-Cadaagan  Saxaafadu, Xogo  Cusub  Oo Daaha  Ka Faydaya,Ujeedooyinka  Qarsoon Ee  xuuto Uu  Ku Raadinayo  Inuu  Ninkan Radio Hargeysa  Qabto Hogaanka Ururka,Taasi  Oo Ay Ku Sifeeyeen,Inay  Salka Ku Hayso  Laba Qodob.

Waa Tan Hore’e, Gudoomiyaha Hore  Mr. Xuuto Waxa  Uu Cabsi Weyn Ka Qabaa  Hadii  Uu Xilka  Ururka Qabto ,  Gudoomiye Ka Madax Banaan Isaga Iyo Xulufadiisu, In Hanti Dhowr La Geliyo,Maadaama   Mudadii  Uu  Xilka Ururkaasi Hayay  Uu Soo Galay  Dhaqaale  Aad  U  Xaddi  Badan  Oo Ay  Bixiyeen Hay’adaha  Samafalka,

Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga,Iyo Xukuumadihii Kala Danbeeyay,Taasi Oo  Aanay  Jirin Habayaraatee Wax Loogu  Qabtay  Saxafiyiinta Iyo Saxaafada Somaliland,Oo  La Taaban Karo,Iyadoo Hantidaasi  Dad U Xog Ogaal Ahi  Xaqiijiyeen  Inuu Xuuto Ka Dhigtay Wax Uu Gashado  Hanti Ma Guurto Ah,Sharer  Ganacsi, Qaybo Uu Ku Darsaday Iyo Qaybo Kale Oo Uu Accouno Ku Shubtay Uguna Tala Galay Inuu Ku Daboolo Ololaha Uu Doonayo Inuu Kaga Qayb Qaato Doorashada Golaha Wakiilada.

Dhaqaalahaasi Uu Lunsaday Gudoomiyihii Hore Mr. Xuuto Waxa  Sii Dheer  Oo Kale, Lix  Bloog Oo Dhul Ah Oo U Dhiganta  60 Baloodh, Taasi Oo  Mudadii  Uu Joogay  Gudoomiye Xuuto  Ay Ku Wareejiyeen  Dawlada Hoose Iyo Dawlada Dhexe,Dhulkaasi Oo Uu  dawlada  hoose ee caasimada iyo dawladda dhexe Kaga  Qaatay  In  Laga  Dhisayo  Colagge-Yo  Kor Loogu Qaadayo  Aqoonta  Suxufiyiinta  Somaliland.

Hase Ahaatee  Uu  Oday Xuuto  Ka Dhistay  Sadex  Guri  Oo Mulkiyadooda  Isagu Iska Leeyahay, Intii Kale  Ee Dhulkaasina  Uu  Isagu Gacanta Ku Haysto.

Qodobka Kale  Ee  Uu Uga Jeedo Xuuto  In  Xubin Ka Tirsan Shaqaalaha  Warfaafinta Uu Gudoomiye Ka Noqdo Ururka  Ayaa  Ah  Talaabo  Uu Doonayo  Inuu  Ku Shaabadeeyo  Wasiirka Warfaafinta  Arrin Aanu Wax Fara Gelin Ah Ku Lahayn, Colaadna Kaga Dhex Abuuro Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Wasiirka,Iyadoo  Sida  La Ogyahay   Gudoomiyihii  Hore Mr.Xuuto  Uu  Dagaal  Weyn Kula Jiray  Wasiirka  Warfaafinta  Tan Iyo Mudadii  Uu Xilka Warfaafinta  Qabtay  Wasiir Koore,Dagaalkaasi  Oo Mr.Xuuto Kaga Fal Celinayay   Lacag  Sharci Darro Ah Iyo Qalab  Xaddi Badan Oo Uu Ku  Bartay  Wasiiradii  Hore Usoo Maray Wasaarada,Balse  Uu  Ka Diiday  Wasiirka Warfaafinta Mudane Koore.

QALINKII;Cabdi Cali Toronto hargeysa

 

 

COMMENTS
LINKS