Yool Dhigashada Iyo Dabarada. Soo Ururintii:Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yool Dhigashada Iyo Dabarada. Soo Ururintii:Axmed Cali Kaahin.
January 2, 2021 - Written by Editor:

Yool dhigashada iyo Dabarada.

Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin iyo Diyaarintii iyo Soo jeedintii Mubaarak Haddi.

1;Doonis dhaba Ama Xiise waldhaq

Haddaad doonayso natiijo wax ku oo’la ah in aad  gaadho la kaalay doonis dhaba, dadku dhamaan  way jecel yihiin in ay gaadhaan balse inta la timaado doonsi dhaba ama rabitaan holrcaya, oo adag, way yartahay (burning Desire) waxa uu ku sheegay Napoleon hill. Sidaad u jeceshay in aad neefsato haddii biyo maddaxa laguu galiyo waa in si ka badan u raadisaa waxa aad jeceshay in aad gaadho.

Ilaa waxaad doonayso u jiro rabitaan xoog badan taasi oo aanad iska doonayn sida badanaa dhacda ayna jiraan sababo ilaa tobana ka badan oo doonistaada sal u  ah. Markaad ka fikirto waxaad doonayso galinayaa oo ku xamaasad galinayaa.

1;Koob ama Xadid Ama aan filiqsan

Waxa jira in waxan aad doonayso in uu jiro rabitan xoogan lakiin aanay kuu xadidnayn waana arrinta labbaad ee keeni karaysa in aanu hadafkaagu kuu hirgalin. Doonistaa hore  iyo waxaad ku himiloonaysaa waa riyo, hadaf waxay noqon kartaa in aad xadido, ay kuu muuqdaa waxan aad doonayso iyo sidaad u doonayso. Inta ka horaysa waa riyo bani aadam riyooyinkaana way wadda leeyihiin waxa hadaf ka dhiga waa in aad xadido.

Riyadu ma xaqiiqawdo ilaa hadaf laga dhigo hadafkuna ma xaqiiqoobo ilaa la xadido. Maah maahdiina waxay ahayd “hawl baa hawl looga tagaa.” Haddii aad tidhaahdo waa in aan xirfadayda sare u qaadaa waa in aad tidhaahdaa waa in aan intaas oo kooras oo xirfadayda ka dhigtaa jaamacadaa waad xadiday.

1;In aanad awoodaa ku kalsoontahay Ama kalsoonayn.

In aanad sawiran karayn in aad waxaa aad doonayso qaban Karin ama in aanad awoodaada wax qabad ku kalsoonayn iskuna arag in aad gaadhi karayso haddafkaaga. Si aad hadafkaaga u gaadho waa in aad sawiran kartaa sida uu u eeg yahay iskuna kalsoonaataa. Waa adigoo aaminsan in aanad xirfadaa baran Karin. Dhinaca kale haddii aad isku kalsoontahay sawiran kartana qofku wixii uu sawirto ama halka maskaxdiisu aragti ahaan gaadhsiisna tahay wuu gaadhi karaa haddii uu dadaalo.

Waxa la yidhaa cajalada guushaadu ka mida aragtida aad awoodahaaga ka haysato waxay saamayn ku leedahay ficilkaaga, ficilkaaguna waxa uu sameeyaa natiijada aad helayso, natiijadaasina waxay samaysaa dib u dagaal galid hawlahaaga ah. Aragtida awoodaada aad ka haysataa ama way ku dhistaa ama way ku dumisaa.

1;Qaraar adag Ama gudoon jilicsan.

Haddii aad leedahay in aanad qaraar arag gaadhin in aad ku dhaqaaqdo hawshaasi waxba kuu suurto galimaayaan, haddii aad leedahayna wax badan baad hirgalin kartaa. Waxa jirta adigoo rabitaan xoogan leh haddaan qaraar adag jirin hadafna ma xaqiijin kartid. Somalidu waxay tidhaahdaa hawlbaa hawl looga tagaa.

Adigoo hawl ku jira haddaad hawshaa hawl ka wanaagsan jamato ood jeclaysato waa in aan tan ka dhaqaaqdo sida mareegaha bulsahda in aad ka tagto oo aad meelaha wax laga barto u wareegto. Waxkasta oo aad doonayso waa in aad la timaado hurid, qiimaha uu kuugu kacayaa waa in waxyaabo badan kaa kaxayso hawsha cusubi.  Waa in hurid boqolkiiba boqol la iman aad bay u adag tahay in aad xaqiijiso. Haddaad doonayso in aad meel gaadho meelihii horena dhex dabaalanayso aad bay kuugu adkaanaysaa.

“Dunkaaga haduu galo galaydhka in aad la duusho in aad iska dayso weeyi digaaga la ciyaartankiisa”. Waa hurid

1;Qorshayn Ama Jaantaa Roggan.

In aad jeceshahay, hadafku kuu cadyahay, go’aan adag gaadhay, arrimaa haddaanad qorshe u samayn, qaabayn, kala horumarin, wakhtigaaga maarayn aad bay u adagtahay in ay hirgalaan. Qorshayntu waxay la timaadaa wakhti xadidasho goormaad bilaabaysaa iyo goormaad dhamaynaysaa, haddii xirfad u baahan tahay maamul ama ganacsi ama caado (joogtayn) wax akhris u baahan tahay hadaf kastaa qorshuu u baahan yahay. Haddaanad qorshe la’ iman waxay u badan tahay in aanu hadafku kuu xaqiiqoobin.

1;Fal galin Ama iska kuududo.

Haddii aad la iman waydo ficil way adkaanaynsaa qorshihii in aad dhaqan galiso. “Fikrad kasta wadkeedu waa hirgalin la’aan” haddii aanad ku dhaqaaqin oo aanad joogayn aad bay u adkaanaysaa in aad xamaasadaa sugto maaha markaad firfircoon tahay kaliya balse maalmo way kaa jiifi kartaa balse markasta in aad firfircoonidaadu sugto maaha. Kufidu ceeb maaha waa in aad dib u kacdo.

“Shil weeye in aad kuftaaye haddaad kambadhuudho boodhka asaad kici waydo baa xun”

In maalmo aad dareento caajis waa wax iman kara. In aad wixii intaad bilawdo ku guul daraysataa waa wax iman kara lakiin waa in aad kacdaa oo boodhka iska jaftaa.

Diirad Saarid/ Surma Seegto.

Arrinta uu ku soo gabo gabeeyay Mubaarak Al Haadi waa wax kasta oo aanay la’aantii suurto galaynin waa in aynu lahaanaa diirad saarid waxa la yidhaa halka qofku diirada saaro ee uu abaaro dhamaan awoodiisa tamareedna halkaasi bay abaartaa. Hadda haddii diirad saaridaadu ku firidhsan tahay baraha bulshada ama asxaab la qaadato ama Tv ama ciyaaro. Abaaridaada diirad saarida yoolkaagu wuu ka qaloocanayaa. waayo jabiyayaashaa badan hadafkaaga.

Cumladaha casrigan ugu muhiimsan waxa la yidhaahdaa in qofku kaligii intuu meel cidla ah fadhisan, karayo isagoon kalinimo dareemay hawl ku fooganaan karo. Waayo jabiyayaashaa ku jeedinayaa maanta faro badan. In qofku kaligii meel fadhiisan karaa hawshiisana qabsadaa oo uu kaliya hawshiisa ka fikiraa waa mid hadda guusha daadihisa.

Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin iyo Diyaarintii iyo Soo jeedintii Mubaarak Haddi. Halkan ka daalaco  https://www.youtube.com/watch?v=0PrSOHrShDE

COMMENTS
LINKS