Madaxwayne Laaca Aragtaye, Laaga Ma Og Tahay?W/Q;Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Laaca Aragtaye, Laaga Ma Og Tahay?W/Q;Mahamed Dhimbiil.
January 6, 2021 - Written by Editor:

Loolanada Iyo Tartanka loogu jiro ilaha dhaqaale ee gobolka Geeska Africa ayaa ah mid xoog ku socda iyo xawaare Dheeraynaya , waxaana lagu tartamayaa adeeg siinta bariga Africa iyo halka uu noqonaya albaabka ugu muhiimsani , Haddaba si taasi loo helo ayuu dal waliba waxa uu u tolanayaa Agabkii uu ku maali lahaa iyo qaabkii loola macaamili lahaa aduunka kale .

Somaliland iyo Djibouti waa laba dal oo isku dad ah walaalo ah laakiin waxa inaga dhexeeya tartanka bugcadeed iyo marinka Aynu ku naalo sidii looga faaiideysanayey iyo cida wax laga waydiinayo , waxaana aynu hore u ogeyn in marin biyoodka badacas loogu talo galay in loo sameeyo ciidamo ilaaliya badda waxaana kulankaasi lagu qabtay dalka Saudi Arabia , dalka Somaliland qayb kamuu aheyn isaga oo dal ahaan xuduud badeedkiisa bada cas uu yahay in ku dhow 900km arinkani oo aan aheyn wax suuragal ah Djibouti waxa ay ahayd dalalka rabay in ay gadhwadeen ka noqdaan .

Dhinaca kale waxa ka jira oo guud ahaan  gobolka geeska africa ku soo batay talisyada ciidamada aduunka oo qaar dhul iyo qaar badeed ba leh taasi oo aan waxba laga weydiin dalalka gobolka , ujeedada ay u yimaadeen iyo waxa ay ka qabanayaan  , waa ay jiraan dalal heshiisyo la galay wadamada qaar oo ay ka mid yihiin wadamada heshiisyada lala galay; Djibouti , Erateria , Somalia , Somaliland , laakiin waxa isweydiin leh waxa xiligani halkani aduunka isugu keenay ?

Wadamada badankoodu gobolka waxa ay yimaadeen waliba dhinaca badda xiligii ay jirtay budhcad badeeda badaha somaliya ka ugaadhsan jirtay maraakiibta maraya iyaga oo qiil uga dhiganayey markii hore in badaha soomaalida la xaalufiyey oo kaluunkoogii iyo khayraadkiiba la qaatay runa ay ahayd , laakiin ay noqotay markii dambe shaqo lacag madax furasho lagu qaato , taasi oo aduunku isku raacay in lala dagaalamo.

Waxa jira wadamo kale oo iyaguna si toos ah iyo si dadban ba u jooga gobolka geeska Africa oo ujeedooyinkooga ay ugu waynayd la dagaalanka argagixisada caalamiga ah oo Somalia u noqotay xarun iyo saldhig taasi oo aduunku ka hortag u yimaadeen in halkooga lagula dagaalamo lagana badbaadiyo dawladaha gobolka geeska Africa iyo dunida carabta oo loo tiriyo in asal raaca mab da ani ka yimid xagooga marka horeba .

Dhinaca kale sida taariikhaha aduunka ku qoran amaba la soo arkay aduunka hadba meel baa dihin oo khayraadkeeda ,cududeeda iyo suuqyadoodaba aduuku ku tartamaa hada waxa la joogaa xiligii Africa lagu tartamayey  bada cas iyo badweynta hindiya waxa loo dhooban yahay waa dano amaan oo ah in la ilaaliyo ganacsiyada ka gudbaya badaha , dano siyaasadeed oo ah in xulfi iyo xodxodasho ay noqoto taageero dal waliba danihiisa uga helo dalalka gobolka , iyo in uu suuq uga helo wax soosaarkiisa dalalka gobolka.

Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada gobolka geeska Africa waana halka ugu haboon ee aduunku danaynayo dhul bad iyo cir ba , wadamo badan ayaa raba in ay saldhigyo ciidan keensadaan , wadamo kale waxa ay rabaan in ay maalgashi ka sameeyaan oo ay alaabahooga uga iib geeyaan Africa , isaga oo tartanku jiro wadamada gobolku heshiis kuma aha waxii gobolka soo waajaha ee khayraad iyo ganacsi ah sida looga wada faaiideysanayo , shuruucna lagama dhigan wali.

Marka xaal halkaasi marayo ayaa Somaliland madaxweyneheegu uu dalka Djibouti oo saameyn badan ku leh siyaasada Somaliland sababo danaheega ah awgeed uu marwalba safar ku tagaa , taasi waxa ay dareen iyo ishaaro kale u tahay in Somaliland u muuqanayso dal Djibouti u dabran oo uu dalka Djibouti ka wakiil yahay , jamhuuriyada Djibouti marka xaga la eegayo cilaaqaadka diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamka waxa ay ka mid tahay dalalka ugu fog Somaliland kana cararaya in la aqoonsado iyaga oo arka xiligani in ay kula tartami doonto suuqa Africa iyo marinka badeecadaha ka soo dega dekedaha ee Djibouti dawlado badan oo aduunka ahi u maal galiyeen.

Madaxwayne waxa aan ku leeyahay marka xaal halkaasi marayo ee Djibouti uu dhowaan ka dhacay shirkii dawladaha IGAD oo aan lagu soo marti qaadin si aad fariinta dadkaaga dawladahaasi u gaadhsiiso , arimaha gobolka oo Somaliland xaq u leedahayna aan lagaa talo galin , inkasta oo si wanaagsan laguu soo dhaweeyey safarka aad Djibouti ku tagtay waxa uu u muuqdaa mid lagu baabiinayey xidhiidhkii jamhuriyada Somaliland iyo dalka Kenya , hore waxa aynu u ogeyn in safarkii Guinea ee madaxwaynaha somaliland ka dib uu safar madaxweynaha Djibouti ku tagay dalkaasi waxaana uu u eeg yahay in sababta hadal dambe looga waayey ay taasi ahayd,  waxaana aan ku leeyahay laaca aragtaye laaga ma ogtahay.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

Hogaamiye: Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS