SOLJA:Way Galbataye Yaanay Aas Seegin!W/Q;-Mohammed Aaden Dirir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOLJA:Way Galbataye Yaanay Aas Seegin!W/Q;-Mohammed Aaden Dirir.
January 8, 2021 - Written by Editor:

Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Waxaan arkaa In Gudoomiye loo Cantatabay Kaasoo Wasaarada warfaafinta ka Shaqeeya Waana xaq uu leeyahay balse Halkani maaha Meeshiisii Wakaalada wararka ee Solna iyo Ururka Suxufiyiinta Soljana waa Kala laba.

Ma doonayn inaan Gabayo Diro amase diiqaaye

Hayeeshee Rag baan arkayaa Dul fadhiya Maydkii Ururka oo marba dhan u Rogaya sidii oo ay Nafta Ku soo Celinayaan .

Samirku waa wanaagsan ururkana Isagoo Caafimaad qaba oo aan Meelna Laga hayn Waxaa dhuunta Ku dhuftay Xisbiga Kulmiye Markii uu talada sidaa u qabtay kadib markii Gudoomiye looga dhigay Murashaxii Dhowaan Sheegay inuu Wadani ka sharaxan yahay ee Xuuto oo Malaha Halkaa kaga Dhabacanaya Eedo musuq oo Kaga soo Baydhay Xilkii uu hayay Ninkaan ka Hadlayaa waa Xuuto.

Ilaa Waqtigaa Wuu sakaradaayay Waxaana ay Naftu kaga baxday Halkii lagu dhaawacay oo ahayd  Hotel ka Ambassador

Nin la odhan jiray JIID QALQALO ayaa maqlay Wadaad xadiis marinaya oo leh Ninka 60 Jir ku Toobad keena ee khamiis dhinta Jimcena La Aaso Sida Soo Aroortay cadaabul qabri Maleh dabadeed wuxuu yidhi Sheekh iiwad warka waa Sidaan ku wadee Kolkaasaa wadaadkii yidhi Ka hor Hadaad dhimatana Waa lagu cadaabayaa Kadibna JIID QALQALO wuxuu yidhi oo Sheekh Markaa Yaa Wax laga Saarayaa ?.

Hadaba Solja waxaa ka dhameeyey oo aan loogu imaan Dadkuna Ilaa hada wax Ka saarayaan waa Kulmiye oo Talada Isu dhiibtay

Ururka Waxaa Loo Doortay Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto Markaasuu Sakaraaday kadib dhaawacii Maalintaa Kasoo gaadhay Wasiir Xigeenkii warfaafinta ee xiligaa oo ahaa Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo ka soo jeeda Gobolka sool.

Markaasaa Mid Yaroo Radio Hargaysa Ka shaqeeya Loo Doortay Oo uu Dhintay waxaana Caadi uga dhameeyey Saleebaan Cali Koore oo Isna reer sool ah

Iminkana Maydkeedii Wuxuu Ku Jiraa Talaagada Maydka ee Kumaa aas wanaagsan u Samayn doona.

Maalintii ay Qaldhabaysay ayaa iigu danbaysay Wadwadkeeda iyo Warkeeda kadib Geeridii alla ha u Naxariisto ee Xoghayahii Ururkaa Galbaday ee Muxumud Rashiid maxamed Faarax

Raga Iminka Leh urur Baanu samaynaynaa Goaankaa yaanay Ka Laba Labayn Laba Arimood Dartood

1;Gudoomiyaha Iminka Laga Hor madoobeeyey Ururka Solja  Waa shaqaale Dawladeed dhexna ma noqon karo oo Iskamuu Casilin Shaqadii uu Dawlada u hayay Magaca Ururka Xataa Inuu qaataa Isagay Nusqaan ku tahay Waayo Solja waxaa La dhahaa Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan ee Somaliland Ileen Gudoomiye Cabdirashiid Riyaraac ba Iska casil baa La yidhi xilalkii uu ka Hayay Kulmiyee.

2-Waxaa Lagu Marmarsiiyoonayaa Gudabiirsay baa Laga xun yahay oo Wiilka ayaa Samaroon ah balse Haday sidaa tahay Halkaa waxaa Nooga Cad inaanay Nala Lahayn Somaliland Reerkaa boorama Ka botoriyaa ee Waa iyaga yeelkood waayo waxaan usoo taagnaa Gudoomiyaha Sonyo oo Xukuumadii Siilaanyo Wadatay ayaa isu sharaxay Hogaanka Ururkaa waxaana la Tartamay Gudoomiyaha iminka Sonyo Ku Hor kaaja Oo Dawladu Garbinaysay

Wuxuu Siyaad Cumar Cali Xilkii Gudoomiye ee SONYO kula Galbaday Waxaa La diidan yahay Gudabiirsay

Golaha Wakiilladana Malaha Saamiga Ku xigeenka sidaasay ku heleene Ama Niman wax nala leh ha Noqdaan Ama qolo La dul fadhida oo aanu Garab u Tuurno

Waxaan kaga baxayaa Solja way Dhimataye Xukuumadu si Fiican ha u aasto Inaguna Cawilsan Baynu Rajaynaynaa oo Urur Cusub Inoo noqdee geediga Wadaay.

Cidna uma Dhoweynine Cidlaan Dhaabay warankaa

Iga dhan.

Qalinkii; Mohammed Aden Dirir.

 

COMMENTS
LINKS