Madaxweyneku-xigeenka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Tamarta Cadceedda Laydhka Oo Laga Hir-geliyay Magaaladda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyneku-xigeenka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Tamarta Cadceedda Laydhka Oo Laga Hir-geliyay Magaaladda Berbera.
January 12, 2021 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta  oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee berbera.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dawladda Imaaraadka Carabta ee maal-gelisay mashruucan bulshadana ugu baaqay inay ka faa’idaystaan, ilaashadaana.

COMMENTS
LINKS