Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ganacsato Gacanta U Gelisay Mashruuc Imaaraadku Ugu Deeqay Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ganacsato Gacanta U Gelisay Mashruuc Imaaraadku Ugu Deeqay Berbera
January 13, 2021 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay soo saarto Shuruuc lagu maamulo Laydh Cadceedda laga dhalinayo oo laga hirgeliyey Magaalada Berbera, Mashruucaasi oo ku jiray heshiis ay wada galeen Dawladda Imaaraadka iyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ka qayb-galay Munaasibad lagu furayey Mashruucaasi oo ah Laydh laga dhalinayo Cadceedda isla-markaana loogu talo-galay in Magaalada Berbera hesho laydh ku filan, ayaa sheegay inay inay ahayd in Mashruuca ay wada maamulaan Dawladda iyo Ganacsatadu, balse Xukuumaddu ay ku wada wareejisay Ganacsatada, isagoo Ganacsatada ku eedeeyay inay yihiin dhiig-miirato.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Arrintani waxay la socotay heshiiskii Garoonka diyaaradaha ee Saldhigga (Imaaraadka), heshiiskaasi wuxuu qorayey in Tamar weyn oo intan ka ballaadhan Berbera laga sameeyo, maaddaama oo ay Berbera korayso, DP World-na ay samaynayso Dekedda”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Mashruuca la siiyey Dawladda, si Berbera loogu helo Laydh ku filan  “Mashruucani wuxuu ahaa Mashruuc Dawladda la siiyey, waxay ahayd mar haddii Dawladdii la siiyey waxay ahayd in Dawladda iyo Shirkadaha gaarka ahi ku shuraakoobaan, ma ahayn in Ganacsato Gacanta laga geliyo, imikana maaddaama oo gacanta laga geliyey waa in shuruuc loo soo saaraa, waayo? Shirkadaha Somaliland waa dhiig-miirato, wax shuruuc ah oo ilaaliyaa ma jirto, wax sharci ah oo Shacabka ka ilaaliyaa ma jiro, waxaanu jecelahay in Qastigii loo sameeyay Mashruucan oo ahaa inay Berbera noqoto meel aan laga xagaa bixin oo Warshado badan laga sameeyo la fuliyo..” ayuu yidhi, waxaanu si gaar ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda oo Mashruucan u saxeexay Somaliland markii Imaaraadku ku dhawaaqay “Wasiir Sacadna Dawladdii wuu ku jiraaye maaha inuu yidhaahdo waxa loo baahan yahay ee waa inuu Shuruuc soo saaraa, waxa loo baahan yahay maahee waxa la idinka baahan yahay haddaad Dawladda tihiin inaad Shuruuc soo samaysaan oo aad qiimo u samaysaan Laydhka Berbera iyo Waddanka oo dhanba..”

 

COMMENTS
LINKS