Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Dileen Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Siyium Musfin Iyo Saraakiil Kale Oo katirsanaa TPLF. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Dileen Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Siyium Musfin Iyo Saraakiil Kale Oo katirsanaa TPLF.
January 13, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in ay ciidamadeeda qabsaday gobolka tigreey ay dileen wasiirkii hore ee arrimaha dibada Itoobiya Seyoum Mesfin iyo wasiirkii hore ee arrimaha distoorka Abay Tsehaye iyo saraakiil kale oo ka tirsan TPLF. ee xukuumadii raysal-wasaare meles zenawi iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Howlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray nin magiciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya.

Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab isdhiibitaan ah oo siyaasiyiintaas loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen.

Siyum Musfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

Dawlada itoobiya maalmihii lasoo dhaafay soo bandhigaysa masuuliyiin sar sare oo katirsanaa Hogaamiyayaashii TPLF Ooay qaarkood soo qabteen halka ay qaarna sheegeen in ay ku dileen duqaymo.

COMMENTS
LINKS