Hargeysa: Ciidanka Booliska Oo Raadinaya Gabadh Baahisay Muuqaal Dadku Ka Cadhooday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Ciidanka Booliska Oo Raadinaya Gabadh Baahisay Muuqaal Dadku Ka Cadhooday!
January 14, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay Haweenay Muuqaal ka duubtay Gabadh yar oo gurigeeda ka shaqaynaysay, isla-markaana muuqaalkaasi ku baahisay Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, gaar ahaan Facebook.

Ilaa Shalay waxa Baraha Bulshada ka dhex socday Muuqaalka ay Haweenaydu ka duubtay Gabadha yar ee Gurigeeda adeegtada ka ahayd, iyadoo muuqaalka dhexdiisa laga maqlayey Hadallo ay haweenaydu ku handadayso Gabadha yar ee Adeegtada u ahayd, iyadoo ku andacoonaysey inay cuntada wax ugu dartay isla-markaana doonaysey inay sumayso.

Muuqaalkaasi oo Dadweynaha isticmaala baraha Bulshadu aad uga cadhoodeen, ayaa waxa ka hadlay Ciidammada Amaanka, waxayna sheegeen inay ku daba jiraan Haweenayda muuqaalka ka duubtay Gabadha yar oo da’deeda lagu sheegay 15 Jir.

Qoraal uu Caawa soo saaray Taliska Boolisku ayaa u qornaa sidan “Shacbiga Somaliland ee xariirta ah waxaanu ugu horayn ugu mahad celinaynaa sida quruxda badan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka booliska Somaliland. Way na soo gaadheen Fariimaha faraha badan ee aad kaga fal celinaseen gabadha muuqalka ka duubtay inanta yar ee u shaqaynasay taas oo ku andacoonasay in ay wax ugu dartay cuntada. Waxaan idiin cadaynaynaa in si Deg-dag ah laga hawl galay gabadhaasi luguna dabo jiro si ay cadaalad u  Heli Lahayd gabadhaasi Yar. Wixii Faahfaahin ah ee ka soo kordha waanu idinla socod siin doonaa.”

 

COMMENTS
LINKS