Dawlada Sucuudiga Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Dalal Ay Somaliya Ku Jirto! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sucuudiga Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Dalal Ay Somaliya Ku Jirto!
January 15, 2021 - Written by Editor:

Riyadh (W,N)-Dawladda Sacuudiga ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda inay ogolaansho la’aan u safraan 12 dal oo Uu saameeyay coronavirus, ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay.

Xogta ayaa sheegeysa in waddamadaasi ay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Warku wuxuu intaa ku daray in go’aanka loo qaatay sababo la xidhiidha xasillooni la’aan ka jirta waddamadaas iyo ka feejigaanta soo ifbaxa nooc cusub oo fayraska Covid19.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya kaddib markii Sacuudi Carabiya uu helay toban kiis oo ah noocyada cusub ee coronavirus, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Saudi Arabia ayaa sheegay Khamiistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska la helay dadka qaba la go’doomiyey.

 

COMMENTS
LINKS