Ciidamada Mareykanka Oo Gabi Ahaanba Isaga Baxaya Somaaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Mareykanka Oo Gabi Ahaanba Isaga Baxaya Somaaliya.
January 15, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Maanta Oo Jimce Ah bishuna tahay  15 January ayaa ku beegan waqtigii kama danbeysta ahaa ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu u qabtay in dhamaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya laga soo saaro.

Amarka madaxweynaha ayaa dhaqan-galiyay 15 bishan January 2021 oo ku beegan maanta, waxaana la filayaa in ay dalka ka baxaan 700 oo Askari Mareykan ah, kuwaa oo qaarkood la geyn doono wadamada dariska ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ka bixintaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya micnaheedu aheyn in ay qaadatay wajahad kale balse ay sii wadi doonto garab istaaga iyo waliba taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ugu danbeeyay ayaa gudaha dalka Soomaaliya soo galay sanadkii 2007dii iyaga oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dhinaca tababarka ciidamada iyo la dagaalanka xoogagga ururka Al-shabaab.

Ka bixintaanka ciidamadan ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale marka la eego lagu soo aaday xili maalmo yar ay ka harsan tahay munaasabada xil wareejinta madaxweynaha dalka Mareykanka uu xilka ku wareejinayo madaxweynaha cusub ee la doortay Mr Baden.

COMMENTS
LINKS