Kaalintii Mucaaradnimo Ee Xisbiyada WADDANI Iyo UCID Oo Meesha Ka Baxday, Dareenka Shacabka Iyo Xogaha Hoose Oo Sheegaysa Inay Ballami U Taallo Madaxweyne Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaalintii Mucaaradnimo Ee Xisbiyada WADDANI Iyo UCID Oo Meesha Ka Baxday, Dareenka Shacabka Iyo Xogaha Hoose Oo Sheegaysa Inay Ballami U Taallo Madaxweyne Biixi
January 16, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa,(W,N)- Guddoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo muddooyinkii ugu dambaysay ay bulshada reer Somaliland si weyn isku weydiinayeen waxay dhaafsadeen kaalintoodii mucaarad-nimo wakhti shacabka Somaliland baahi weyn u qabo Xisbiyo Mucaarid ah oo xooggan oo kaalintooda dastuuri ee Mucaaridnimo qabsada, ayaa waxa wali taagan saluugga shacabku ka qabo hannaanka Mucaarid ee qaranka oo ay ku tilmaamaan mid liita.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID waxa ay tibaaxeen in ay isa soo tarayaan tuhunnada laga qabo in uu jiro heshiis hoose oo u dhaxeeya iyaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaasi oo aan la ogayn illaa inta qotadiisu gaadhsiisan tahay, kadib markii ay si tartiib-tartiib ah ay meesha uga baxday doorkii Mucaaridnimo ee qaranka oo xaaladdu ku soo ururtay in uu saaxadda ku kaliyaysto Xisbul-xaakimka KULMIYE ee talada hayaa. Taasi oo gabi ahaanba ka duwan nidaamka qarankani loo baahnaa in uu u dhisnaado oo ah in helo xukuumad iyo xisbiyo is dheelli-tira oo isla xisaabtan joogta ah isku hor fadhiya.

Tuhunnada shacabku qabo ee isa soo tarayaa waxa ay meel sare ku tiirinayaan in ay jiraan wax ay isku ogyihiin Labada Guddoomiye xisbi Mucaarid iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah isla Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanay tuhunnadaasi sii xoogaysteen markii ay si weyn hoos ugu dhacday doorkii Mucaaridnimo ee xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan wixii ka dambeeyey markii ay sannad ka hor soo baxday Hanjabaaddii Madaxweyne Biixi ee la xidhiidhay in uu furayo xisbiyada qaranka.

Xanta siyaasadeed iyo dhaliilaha loo jeedinayo Xisbiyada Mucaaridka waxa ka mid ah hadal hayn warbaahintu helayso oo la xidhiidha in labada dhinac ku heshiiyeen in qolo waliba hawlaheeda wadato oo aanay wax mucaaridnimo ah oo adag wakhtigan isku jihayn, taa baddalkeedana Madaxweyne Biixi xukuumaddiisa ku amray in masuuliyiinta qaranku Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka aanay wax eedo ah ama dhaliilo ah warbaahinta u marin, tani waa ta keentay in Guddoomiyayaasha qaarkood si la mid ah xubnaha Golaha wasiirrada maalin walba u taagan yihiin xaflado iyo kulamo xukuumaddu qayb ka tahay iyaga oo aan wax saamayn ah lahayn.

Ilo-wareedyo rasmi ah oo wargeyska Foore helayaa waxay tibaaxeen in labada Hoggaamiye ee Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ay Madaxweyne Biixi heshiis kula galeen Qasriga Madaxtooyadda sannadkii hore ee tegay horaantiisii, isla markaana ay isla qaataan in aan war-baahinta la iska dhaliilin, isagoo taa baddelkeeda Madaxweyne Biixi dhankiisa ballan qaaday in aan masuuliyiinta Xukuumaddiisu Iyana wax dhaliilo ah ujeedin karin labada Xisbi Mucaarad, balse waxaan wali la ogayn waxa ay dhaafsadeen labada Xisbi mucaarad marka laga tego in aan labada dhinac wax eeddaymo ah isku weydaarsan war-baahinta.

 

COMMENTS
LINKS