Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Ay Ka Baxday Marxuumad Shugri Xariir Oo Ku Geeriyootay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Ay Ka Baxday Marxuumad Shugri Xariir Oo Ku Geeriyootay Magaalada Hargaysa.
January 16, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 16/01/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad  Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS