Maamulka Degmada Wajaale Oo Ku Fashilmay In Ay Ka Jawaabaan Cabashada Kasoo Yeedhaysa Gaadiidlayda Iyo Muruq Maalka Magaalada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Degmada Wajaale Oo Ku Fashilmay In Ay Ka Jawaabaan Cabashada Kasoo Yeedhaysa Gaadiidlayda Iyo Muruq Maalka Magaalada!
January 16, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Labadii Todobaad Ee Udanbeeyay Waxaa Waxaa isa soo taraya Cabashooyin Xoogani kasoo yeedhayeen Gaadiidlayda iyo Xoogsatada Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale oo ka Cabanayay Shirkad uu leeyahay ganacsade reer somaliland ah oo doonaya in kooto loogu xidho khudaarta laga keeno dalka itoobiya islamarkaana dalka toos loosoo Galiyo Taasi oo ay ku Shaqo Waayayaan boqolaal xoogsato iyo gaadiidlay ah oo ka shaqaysta Jiray xamaalista iyo rarka magaalada wajaale ee khudaarta iyo muuska oo lagu rogo xuduudka laba dal,

Hadaba maamulka degmada wajaale oo mudo haatan laga jooga lix bilood uu wasiirka arimaha gudaha somaliland usoo magacaabay gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka degmada wajaale laba masuul oo dhalinyaro ah islamarkaana aan wax aqoon ah u lahayn maamulka iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada wajaale. Taasi oo ku riday jaho wareerar shaqo iyo in ay garan waayaan masuuliyada saaran gudoomiyaha degmada.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada wajaale ayaan gabi ahaanba ka jawaabin  qaylo dhanka kasoo yeedhaysa shacabkii uu gudoomiyaha u ahaa oo shaqadii ay ka xoogsan jireen kooto loogu xidhayo ganacsade madaxwayne biixi ay isku jufo hoose yihiin oo wato ganacsade Itoobiyaan Axmaar ah oo markii hore khudaarta ku rogi jiray xuduud halkaasi oo aysoo qaadi jireen gaadiidlay ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah balse hada ay ganacsadahan reer Somaliland uu doonayo in gaadiid Dad ajaanib ahi ay wataan  dalka toos usoo galiyaan kuwaasi taarikada somaliland ay usamaysteen ganacsadaha maamula shirkada Sagal jet oo khudaarta toos uga soo qaadaya itoobiya dalka iyagu soo galinaya, balse gudoomiyaha degmada wajaale ayaa isagu diiday in uu ka jawaabo cabashada bulshada magaalada wajaale  isagoo xataa dhagaha ka furaysay cabashooyin ay ugudbiyeen iskaashatooyinka gaadiidka iyo muruq maalku oo la xidhiidha tabashada ay qabaan.

Dhanka kale xogaha laga helayo sobobta uu gudoomiyaha degmada tog wajaale dhagaha uga furaystay cabashada bulshadii uu maamulayay ee lagu soo duulay shaqadoodii ayaa sheegaya in ay sobobtay xidhiidh dhow oo uu laleeyahay ganacsadaha doonayo in kootada loogu xidho khudaarta oo sida xogaha laga helayaan tibaaxeen in uu ugu habranayo madaxwaynaha ayay isku jufo yihiin iyo xilka ay ayaad ku waayi hadii aad la dareen noqoto bulshada reer wjaale ee uu xilka uhayo taasi oo banaanka keentay khibrad la,aanta masuulkan haysata iyo in uu ku jaho wareeray xilka loo magacaabay oo maamulkiisi uu la gabi dhaclaynaya, halka uu shaqada iyo maamulka degmada udaba fadhiyo xoghayaha degmada oo isagu ka hadhay maamulkii la badalay islamarkaana xariif ku ah wax isdaba marinta iyo xatooyada oo uu durba macalin ugu noqday maamulkii lasoo magacaabay taasi oo keentay in aanay waxba iska badali habdhaqankii maamulka degmada wajaale meeshan ka saaray isbadalkii laga filayay maamulka cusub ee uu gudoomiyaha degmadu hormuudka uyahay.

Sikastaba ha ahaatee bulshada ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog  wajaale ayaa waxaa ku habsatay maamul xumo iyo hadba masuul dhinaca hargaysa lagaga keeno oo ku hafta xilka loo dhiibay wakhtiguna uu kaga dhaco inta uu baranayo bulshada iyo xilka loo soo magacaabay taasi oo magaalo ganacsiyeedka wajaale ka dhigtay magaalo aanay ka muuqan wax horumar ahi, iyadoo ay maamulka degmada soo galaan dhaqaale buuran oo laga soo ururiyo cashuurta bulshada iyo kastamka magaalada balse ay ka aradan tahay.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

COMMENTS
LINKS