Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweysay Hadal Uu Safiir Hore Dawladda Maraykanka Dalkiisa Ugu Soo Jeediyey Inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweysay Hadal Uu Safiir Hore Dawladda Maraykanka Dalkiisa Ugu Soo Jeediyey Inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland
January 17, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya  Amb. Stephen M. Schwartz ee ku saabsanaa inay Somaliland istaahisho inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad, maadaama ay tahay dal deggan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi  “Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay..”

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaadhnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena, Dawlad ahaana waxaa naga go’an inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka iyo in aanu Waddan walba ku qancino jiritaanka Dawladnimadayada iyo waxaanu qabsanay..”.

COMMENTS
LINKS