Boqortooyada Sacuudiga Oo Dib Furanaysa Safaaradeedii Dalka Qatar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sacuudiga Oo Dib Furanaysa Safaaradeedii Dalka Qatar.
January 17, 2021 - Written by Editor:

Riyadh(W,N)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib Safaaradeeda uga furato magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan.

FILE PHOTO: Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman attends a meeting with U.S. Secretary of State Mike Pompeo in Jeddah, Saudi Arabia, September 18, 2019. Mandel Ngan/Pool via REUTERS

Heshiis dib loogu soo celinayay xidhiidhkii Qatar iyo afar dal ee carbeed Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ayaa soo afjaray khilaaf dalalkan u dhaxeeyay muddo saddex sano ah.

“Safaaradeena dib ayaa looga furi doonaa Doha maalmo gudahood, waxaan dhammeystir doonaa arrimaha lagama maarmaanka ah”ayuu yidhi Amiir Faisal.

Waxaa uu sheegay Boqortooyada si buuxda u soo celin doonto xidhiidhkii Qatar.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa shaaciyay inay u fureen Qatar xuduudii Badda, Cirka iyo dhulka ee ay saddex sanno ka hor ka xidheen.

Sannadkii 2017 Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa Qatar u jaray xidhiidhka, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn iyo xayiraado dhinaca hawada, badda iyo dhulka, iyagoo ku eedeeyay inay la shaqeyso argagixisada iyo inay xidhiidh dhow la leedahay Iran, iyado dhammaan Qatar ay beenisay eedeymahaas

 

COMMENTS
LINKS