Kaalinta Muwaadinku Ku Leeyahay Horumarinta Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaalinta Muwaadinku Ku Leeyahay Horumarinta Dalka!
January 28, 2021 - Written by Editor:

Aduunka waxaa loo kala qaybiyaa dalal horumaray, qaar horumaraya iyo kowo aan horumarsanayn (underdeveloped). Tani waxay ku timaaddaa marka xaaladaha kala duwan ee dalalkaas heerkooda lagu qiimeeyo halbeegyo la dajiyay. Halbeegyadaas waxaa ka mid ah dhaqaalaha, tirada iyo aqoonta dadkiisa, nolosha iyo adeegyada bulshada, cadaaladda, xorriyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, Waxsoosaarka iyo Warshadaha, khayraadka iyo ka faa’iidaysigiisa, iwm. Waxaa suurtagal ah in dal kasta oo dunida ahi uu gaadhi karo heer kasta oo horumar ah oo uu doonayo; haddii uu la yimaaddo qorshe waaqici ah, qalqaalo iyo quluub wadajira, daacadnimo iyo dadaal dheeraada, maamul toosan iyo Mabadii’ dhammaystiran, iwm. Hantida ugu muhiimsan ee dal leeyahay na waa dadkiisa, waxaana ay ku kala horreeyaan sida ay uga faa’iidaystaan.

Haddaba waxay iswaydiintu tahay kaalinta qofka muwaadinka ahi ku leeyahay horumarka dalkiisa?. Su’aashan jawaabteedu waxay ahayd in dawladdeenna, jaamacadaheenna, aqoonyahankeenu si mug leh ugu soo bandhigaan bulshada, cilmi baadhisyo ka sameeyaan, qoraallo cilmiyeed laga diyaariyo, warbaahinaha kala duwanna lagula wadaago bulshada. Qaybaha kala duwan ee bulshadu waxay kaalmo kala duwan ku leeyihiin horumarka dalka, tusaale ahaan wadaadada kaalintoodu waxa weeye in bulshada diinteeda; akhlaaqdeeda iyo mabaadiideeda u ilaaliyaan usoo gudbiyaan baraan hubiyaanna in lagu dhaqmo diinta. Sidaas oo kale ayay door u leeyihiin macallimiintu, aqoonyahanku, dhakhaatiirtu, madaxdhaqmeedku iwm.

Marka si guud loo eego kaalinta qofka muwaadinka ahi ku leeyahay horumarinta dalka waxaa loo qaybin karaa saddexdan:

1;Kaalin Qofeed: Waxaa loo baahan yahay in aad qof ahaan is dhisto aqoon iyo xirfadba. Waa inaad noqotaa qof isku filan oo noloshiisa dhisay buuxiyayna baahiyihiisa aasaasiga ah. Waa inaad noqotaa qof waxsoosaar leh oo shaqaysta walibana aad dhisatid reer/qoys. Waxaa muhiim ah shaqo kasta iyo door kasta oo muwaadinku ku jiro in uu u guto si daacadnimo iyo daljacayl ku jiro. Muwaadin kasta waa in uu bulshada wuxuu u qaabilsan yahay ka soo baxaa.

2;Kaalin Qoys: Waxaa kale oo muwaadin kasta looga baahan yahay in uu ka qaybqaato horumarinta qoyska uu ka soo jeedo iyo qoyskiisaba. Waxaa loo baahan yahay in aad ka qaybqaadato horumarinta bulshada aad ka soo jeeddo iyo/ama deegaanka aad dagan tahay, tusaale ahaan waa inaad ka qaybqaadataa xaafadda/magaalada aad dagan tahay siday u horumari lahayd. Waxaa kale oo muhiim ah maadaama oo aynu nahay bulsho hab qabiil isugu xidhan inaad qabiilkaaga horumarkiisa ka qaybqaadato.

3;Kaalin Qaran: Markay qaranka timaaddo muwaadinku waa in uu danta guud horumarinteeda ka shaqeeyo. Qof kasta haddii uu ka soo baxo kaalinta uu qaranka ugu jiro dalku horumar ayuu gaadhayaa. Waxaa loo baahan yahay muwaadinku in uu ilaaliyo ku dhaqmo shuruucda iyo xeerarka dalka, sidoo kale waa in uu cashuurta ku waajibta u bixiyo si habboon oo hufan. Waa in muwaadin kastaa ogaadaa in horumarka dalka uu isagu qayb ka yahay, danta guud horumarinteeduna ay tahay muhiimadda koobaad. Waa in aad ku qanacsanaato dalkaaga kana qaybqaadataa sidii loo sixi lahaa wixii ka qaldan loona gaadhi lahaa wixii ka dhiman.

Galladuna waxay saaran tahay, wax isugaygayn!!!!

ALLAA MAHAD LEH

QALINKII; Cabdifataax Rashid Maxamed

Hargeysa, Somaliland

28/01/2021

Cabdifataax.rashid@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS