Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Bulqaas Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Bulqaas Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.
February 4, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2021 Dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee dalku soo maray.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS