XALWADII WAXAA CUNEY KUWII XAAWA GOWRACAY…. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XALWADII WAXAA CUNEY KUWII XAAWA GOWRACAY….
February 12, 2021 - Written by Wariye:

Markii aanu cabaar halkii is hor fadhiney ayaan damcay in aan waydimo horleh oo degdega ku bilaabo.

Laakiin Wax su.aala iigama uu jawaabin ee inta uu cabaar aamusey ayuu ii bilaabay sheeko aan idinka wadagi doono.

Wuxuu ii bilaabey inuu igu jalbeebiyey hawkarkii uu ka galey gobolka sool ha u sii badnaado Magalo madaxdiisa laascaanood haldoorkii iyo hormuudkii gobolka intii ay sheeko iyo shaah wadaageen ba waa kii inooga sheekeyey sheeko ay dulucdeedu ay daaraneyd halgankii doorashada kaalintii uu kaga jirey inkasto aanu xil iyo xoolo midna ka haynin hadana inuu ku faraxsan yahay haddafkooda guuleystey.

Waa kii sheekada inoo sii waday ee inoogu daray  tuulada adhi cadeeye inuu casar gaaban soo joogsadey waa kuwii sheedda ka bidhaansadey meel lagu uruursan yahay oo inta darmooyin si wareega ama qaabka goobada oo kale ah loogu fadhiyo midhaa qofka la dhageysanayaana uu ku kursi dheer oo laanjeer ah meel dhexe u yaalo.

Anigu markaan aan dhagaysiga sheekada saaxiibkey halkaasi marayso ayaa maskaxdeydii baxdey waxaa ka fikirey oo tolow qofka sidaasi loo dhageysanayo Ma Sayid maxamed Cabdule Xasan baa soo noqdey oo tafiirtii darawaashiista uga waramaya isaga iyo duub cadiisii allaysatey sidey u janeysteen!!!!.

Haddana maaha ayaa is idhi,

Ee Malaha waa Abwaankii amaan duulka iyo  hogaamiyihii ciidanka daraawiisha ee Ismaciil Mirre ayaa dadkan u marinaya gabaygiisii uu hal ku dhagiisu ahaa

“”Annagoo Taleex naal,
jahaad taladi soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo Darwiish,
togatay neef doorka
Sayidkeennu tii uu na yidhi,
torog ku heensaynnay

Wareegada waxay uga tawalin,
yaan wax kaa tegine
Sibraar caana geel loo tabcaday,
talax ku sii maallay
Misna tawlka qaalmaha niniyo,
tulud u soo saarray

Ilaahay ha tabantaabiyee,
noogu tacab qaybi
Shakadaha intuu noo tamilay,
tiisa nagu waani
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga,
toog ku wada fuullay

Galabtaa taxaabiyo kadlaba,
toobiyaha qaadnay
Habeenkii fardaha waw tudhnaye,
taag ku sii mirannay
Tun biciida lagu qoofalyoo,
xamashka loo taabay …………..””

 

Ileen ma hurdo riyo kuma jiree maankeygii sii macaansanayey gabayga intuu soo laabtey baan dhagaysiga sheekadisa sii watey ilahay amarkii qofkii  la dhageysaneyey waxa uu ahaa mid ka mida halgamayaasha xisbiga maanta se cid na aanay ka warhaynin

Haddab ninkaasi iyo kuwii la ologga ahaa intaasi oo hawl ah oo sheekadiisa ku jirta iyo inta aanu inoo sheegin ee uu xisbiga usoo qabtey ma soo koobi karno haddii aynu qalin uqaadano waxay buuxineysaa baalasha dhiganaha taariikhda sida uu uga xil laayahayna markan arko waxaan xasuustaa gabayga aya meerisyadiisa la mid ka yihiin.

” Qoomkii sidaa ugu xarmadey
Looma xeer dhigane
Nimankii naftooda u xanibey
Laga xawaareye
Xurquun eebahay baa haya
Iyo maal la xaabsado.e
Dadka kale aan kaga soo xulno
Oo ha u xidheen sharafe
Bilado loo xantoobsha u ekaa
Lagu xasuustaaye.
Hayeeshe dadkii lama xurmeyn
Soo xafiiltamaye.”

Waa xaqiiq gabaygani inuu muujinayo dareenka dad badan oo safka hore kaga jirey hawlaha xisbiga iyo halgankii doorashada maanta se aan helin abaalkoodi.

Taasi waxaa u sii dheer markay arkaan niman aan halgan iyo hawl midna xisbiga aan u soo marin mararka qaarna aan jecleyn guusha xisbiga oo inta kuraastii dawlada loo magacaabey isku haysta in ay xisbiyahano in ay yihiin. Goblan tallo aduunyooy maxaan kaga warwari ama kaga weyrixi miyaanay noloshu cashar binu aadam ka lagu kala barto uun ahayn.

kuwa hawl aanay u soo dhididin midho dhalkeeda dhuunta dheer ku dhuuqaya iyo kuwa u looggey ba aan ku sooryeeyo tuducyadan ee bal ila dhandhami oo ila dhuux.

” xalwadii waxaa cuney
Kuwii xaawa gawracaye
Ragii kalena wey xaadhatey
Xaqa ku taagnaa”

Anigu inta dalkooda jecel ee habeen iyo maalinba hawsha wadanka iyo wanaajintiisa ka shaqeysa iyadoon loo dirin oo aan xil haynin ilahay na ogyahay waxaan ugu duceynayaa inuu talada dalka mar uun ilahay meel ka soo galiyo

Gabayga abwaan kii tiriyey ilahay ha u naxariisto haddii aad iga dhawreyso in aan ku sheego magaciisa iyo xiliga uu tiriyey ha u fadhiyin.

COMMENTS
LINKS