Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda Dhaqanka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Suldaan Maxamed Cabdiqaadir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda Dhaqanka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.
February 12, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 12/02/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha

COMMENTS
LINKS