Nuxurka Buuga (Hayaan) Cabdilaahi Beershiya Q/2aad. Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Buuga (Hayaan) Cabdilaahi Beershiya Q/2aad. Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.
February 15, 2021 - Written by Editor:

Qoraaga Buuga Hayaan ee dhawaan dhashay Cabdilaahi Beershiya waxaynu qaybta labbaad ku eegi doonaa arrimo muhim u ah isbadalka ama hore ruqaansiga hayaanka bulsho, taasi oo cida hogaaminaysaa in ay dhugasho u yeelato waxa qoraagu ku tilmaamay degaanka ururada ka bilaaabmaan laftiisa, sida cimilada kala saraynta dhulka, bulshada ku dhaqan midabkooda, dhaqankooda, iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay iyo xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo jiritaan ee uu ku sugan yahay gobolkaasi.

Dhinaca kale waxa uu qeexay waxa loo yaqaan kooxaysi, taasi oo uu qoraagu ku tilmaamay koox waa dad leh yuhuun isku mid ah oo wax soo-saar wadaaga maslaxad iyo dan kaliya, yaqaana kaalinta ay bulshadooda kaga jiraan iyo dadka kale ee la nool doorkooda.

Kooxahaasi waxa uu u qaybiyay qoraagu saddex qaybood oo kala ah koox aragtida bilawda ee soo bandhigta fikirtka ururkooda oo uu u bixiyay fufka koowaad ee isbadalka iyo kooxda labaad oo ah kooxda isbedalka keenta hirgalisa fikrkii kooxda iyo kooxda saddexaad oo ah kooxda dhismaha natiijada ka soo baxday fikirkaas ee isku dubbarida isbedelkii dhacay oo uu qoraagu u bixiyay fufka saddexaad ee isbedelka.

Sidoo kale waxa jira mawduuc uu u bixiyay saddex geesoodka lama taabtaanka ah oo kala ah Isir, Diin, iyo luqada waana arrin aad loo ilaaliyo waddama qaan gaadhka ah. halka waddama kale ay keento isku dhacyo iyo is faham la’aan haddii arrintaa dug leeyeesho waxay keentaa kalsooni iyo isku xidhnaan bulsho iyo waddo noolaansho nabdoon iyo horumar la wadda taban taabiyo nuxur sidaasi u macno dhaw buu  tilmaamay qoraagu.

Sidoo kale ururada isbedeldoonka ahi waxay bulshada u qaybiyaan affar qaybood dabaqada dhinaca nolosha mid sare med dhexe iyo mid hoose marka labbaad waxay u qaybiyaan dhinaca da’dooda marka saddexaadna dhinaca xirfadaha sida shaqaalaha beelayda marka afraadna waxay u qaybiyaan dhinaca aqoonta heerarkeeda.

Qoraagu wuxuu u gudbay in uu tusaalayaal  inaga tuso dhaqdhaqaaqyadii guulaystay iyo sirahii ku duugnaa waxaanu soo qaadayanaa, Sida Mahatma Gandhi ee hindiya, Hogaamiyihii Shiinaha Mao Tse-tung, kacdoonkii IIraan ee Khumayni, wuxuu ku soo afmeerayaa gundhigna uga dhigay  raxmadii aduunku sidii diinta u fidayay waa Nabi Muxamad Naxariis iyo amaan sare dushiisa ha ahaatee, iyo tabihii uu adeegsaday iyo siduu uu bulshada u diyaarinay ugana dhisay dhinacyo kala duwan oo kala hormaysan.

Halkaasi waxa uu ku tilmaamay in Nabi Muxamad Salaahu Calayhi wasalam qaab kuu u diyaariyay dhamaan jiilalkii loo baahnaa kooxdii koobaad ee fikirka xambaari lahayd kooxdii labaad ee guusha dhalin lahayd taasi oo muddo toban sannadood ah uu diryaarinaayay jiilkaasi si ay u xambaari karaan adkaysina u yeelan karaan mawjadaha ka hor iman doono iyo isabadala bulsheed. Taana waxa markhaati inooga ah siday uga dabasheen

Meelihii ugu mucda waynaa ee uu Rasuulku Salaahu Calayhi Wasalam uu ka bilaabay isbadalka sigaaray muhiima u leeyihiin juquraafi ahaan iyo qaabka bulshooyinkaasi unoolaayeen iyo halka uu ka abaari jiray taasi oo  uu booqan jiray meelo kala duwan  sida Daaif oo kale iyo qabiilooyinkii carbeed ee ku dhawaa labbaatanka ee uu kulamada gaarka ah la qaadan jiray si loo helo jiil xambaara dhambaalka Rabbi subxaanah. Dunidana gaadhsiiya raxmadaasi

Waxa muhim ah in la fahmo gobolka lagu noolyahay, dadka isbadalka samayn kara meelaha uu degdeg uga hirgali karo, meelaha dadku ku badan yihiin noocyada dadwaynaha iyo dhaqaalahoodu siduu yahay iyo qaabka ay iskugu xidhan yihiin. Waxaanu buugu taabanayaa doorka ardayda gaar ahaan kii ardaydii reer Seerbiya, oo gacmo shisheeye riixayeen kacdoona abuuray

Buugu wuxuu soo bandhigayaa tijaabooyinkii Ururada sida daalibaan dhaqdhaqaaq yadii xoriyadoon ee  Maraykanka, Mashruucii Madiina mawduuc uu u bixiyay iyo hirgalintii fidinta diinta Islaamka, xoriyad doonkii koonfur Africa, ururkii SNM, ururka Muslimiinta bahoobay ee ikhwaanka, ururkii waxdada ee hargaysa ka bilaabmay.

Ururadaasi dhamaan tijaabooyinkii, guulahoodii caqabadihii iyo waxay la noolaayeen lana kulmeen dhinaca gudaha iyo dibada, tijaabooyinkii iyo casharadii iyo caqabadihii sidii looga gudbay iyo midkastaa qaacidada iyo waddada uu umaray xaqiijinta yoolkiisa iyo sidii uga gudbay caqabadkasta taasi oo dhacdooyinkaasi aad u kala dad iyo  degaanba duwanaayeen iyo ujeedooyinka la gaadhayo, tubahaas iyo tijaabooyinkaa waxa laga baran karaa ay tahay halku dhega ay sidaan mawduucyadaasi kala duwani

Mawduuc kasta waxa uu ku balaysimayaa qaab qaaciidooyin oo fahamka u fudud kuna qotonta dhacdooyin taariikheed oo la diwaan galiyay. Mucda iyo ubucda buuguna waa intaasi yaanan idiin kala furin waxayna dhex ceegaagtaa buugan hayaan ee uu qoray Cabdilaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya) qaytii u dambaysay.

Soo Ururintii Axmed Cali Kaahin

aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS