Muwaadin Dooro Musharax Muj Khaalid Cabdilaahi Falaago Oo Xog-ogaal U Ah Baahiyaha Aas-aasiga Ee Caasimada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Dooro Musharax Muj Khaalid Cabdilaahi Falaago Oo Xog-ogaal U Ah Baahiyaha Aas-aasiga Ee Caasimada Hargaysa.
February 19, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Falaago, oo kamid ah musharixiinta golaha deegaanka ee caasimada hargaysa utartamaya kana sharaxan xisbiga wadani waa Aqoonyahan waayo arag ah oo  u taagan kamid noqoshada Xildhibaanada golaha Deegaanka degmada Hargeysa.

Sidoo kale Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi wuxuu kamid yahay shakhsiyaadka ogogaalka u ah xaalada dalka baahiyaha ay tabayaan shacabka reer hargaysa in wax aga qabto hadii uu kamid noqdo Mudanayaasha golaha Deegaanka degmada Hargeysa, hadii Eebbe idmo. Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Falaago, waxa 30-kii sanno ee u dambeeyey noloshiisa ku noola Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa,  waana Musharax ka dheregsan baahiyaha aas-aasiga ah ee ay tabayso Caasimada Hargaysa oo loo aqoonsan yahay Caasimadii bila Kabaha ahayd.

Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Khaalid Cabdilahi Falaago, waa Musharax aqoon-durugsan u leh, xilka u ordayo, waana masuul la Dareen ah Bulshada uu meteli doono, fadlan Muwaadin codkaaga sii Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Fallaago, oo u qalma inuu ku metelo.

Muwaadin dooro khaalid cabdilaahi oo lahubo in uu noqon doono xildhibaanada u adeega bulshadiisa iyo bilcinta caasimada .

 

COMMENTS
LINKS