Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Xukuumada FARMAAJO U Aqoonsatay Mid Ku Meel-gaadh Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Xukuumada FARMAAJO U Aqoonsatay Mid Ku Meel-gaadh Ah.
February 20, 2021 - Written by Editor:

DUBAI(W,N)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowlad ku-meel gaadh ah ugu yeedhay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii dhammaan hay’adaha dowladda uu wakhtigu ka dhammaaday.

Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku sheegay qoraal uu kasoo saaray rabshadihii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin mucaarad ah iyo shacab dibad-bax dhigayey oo dalbanayey inuu kursiga ka dego madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee Muqdisho, oo ka dhalatay rabsdaha sii socda iyo awood u adeegsashada shacabka.

Bayaanka ayaa lagu yidhi “wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waxay ugu baaqaysa dowladda ku-meel gaadhka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta, si loogu guulleysto hiigsiga shacabka Soomaaliya ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo xasilloon.”

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dib u xaqiijineyso taageerada iyo hindisooyinka caalamiga ah si doorasho xor ah oo daah-furan looga qabto Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada.

“Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xasillooni, taasi oo joogteeneysa madax-banaanideeda qaran, kuna fulineyso hamiga shacabkeeda walaalaha ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

COMMENTS
LINKS