DAAWO;-Waxgaradka Iyo Haldoorka Beelaha Harti Oo Munaasibad Ay Ku Taageerayaan Musharax/Xil Axmed Cabdi Muuse Ku Qabtay Magaalada Hargaysa . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Waxgaradka Iyo Haldoorka Beelaha Harti Oo Munaasibad Ay Ku Taageerayaan Musharax/Xil Axmed Cabdi Muuse Ku Qabtay Magaalada Hargaysa .
February 20, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Waxgaradka, Aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo Haweenka beelaha harti ayaa munaasibad balaadhan oo ay ku Taageerayaan musharax Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini) Oo ka sharaxan xisbiga kumiye musharxiintiisa gobolka maroodi  ku Qabtay  hargaysa gaar ahaan  Huteelka  dhoolayare.

Munaasibad oo ahayad mid siwayn loosoo agaasimay  ayaa waxaa ka hadalo lagu taageerayo musharax Axmed cabdi muuse ka jeediyay madaxdhaqameedkii beelaha harti ,siyaasiyiin iyo haweenkii ka hadlay madasha ayaa shaaciyay in ay xildhibaanka dooranayaan islamarkaana ay codkooda ugu hiilin doonaan ilaa uu madaxwayne ka gaadhayo.

Sidoo kale waxgaradka odoyaal iyo masuuliyiin kale oo ka socday dhinaca xildhibaan axmed Ini ayaa uga mahad celiyay beelaha harti sida gobonimada ee ay taageerada ugu muujiyay musharax oo xidid ahaan ay ku dhisayaan.

Dhanka kale xildhibaan Axmed Ini Iyo Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Xildhibaan maxamuud jaamacwarfaa ayaa uga mahad celiyay beesha harti taageerada ay umuujiyeen iyo casuumadan ay ufidiyeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS